Faahfaahin Kale Oo Farta Ku Fiiqday Fashilka Geedo-Sare-Waabka Ah Ee Ku Yimid Mashruuca Umbo-Wayne

0
58
mashruuca Biyaha Xumbo-weyne

“waxa weeyaan, aqoontii ayaa runtii qaloocatay oo la dhinac maray. Waxaan hayaa hal meel, lixdii ceel ee sida qorshaysan loogu talogalay in loo qodo.” Wasiirka Biyaha, Saleebaan Cali-koore

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali-koore ayaa mar kale ka hadlay sababaha uu u fashilmay mashruucii biyo ballaadhinta Hargeysa ee xunbaweyne loo yaqaanno oo dhowrkii sano ee u danbeeyay ay wadday dowladda Imaaraadka Carabtu.

Wasiirka oo shalay wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa dhinaca kale sheegay in mashruuca kale ee Midowga reer Yurub maalgeliyeen ee biyo balaadhinta Hargeysa ee Geed-deeble uu isagu hirgalay oo hadda uu marayo meel gebo-gebo ah.

Wasiir Saleebaan Koore oo ugu horreyn faahfaahinaya goobta laga hirgeliyay mashruucan, waxa uu yidhi;

“mashruucan oo dhawr kiiloo mitir ka xiga magaaladda Barigeeda, oo markii hore loogu talogalay, biyaha ay magaaladu cabbayso qayb kamid ah inay ka timaado. Mashruucan ayaa markii hore ee la bilaabayay aan lagu samaynin, waxa la yidhaahdo qiimeyn iyo xaalada, iyo maaliyada iyo aqoonta, aasaaska u ah fulinteeda. Waxaa ka muuqday waqtiyadii dambe madmadow, markaanu dadkii aqoonta u lahaa, iyo dhammaan dadkii sida dhow ugu kuurkali jiray biyaha, waxa aqoon ahaan kasoo baxday mashruucaasi maanta inaanu wax macno ah ku fadhiyin oo uu fashilmay.”

Geesta kale su’aal laga weydiiyay waxa keenay inuu fashilmo mashruucan oo muddo dheer soo socday, ayaa wasiirku isagoo ka jawaabaya waxa uu yidhi; “wakaaladda biyaha iyo wasaaradda, labadaba runtii war ku-tiri-kuteen ah oo mar layskala kulmo mooyaane, xog dhab ah kama ay hayn, cidda lagala xidhiidhiyay mashruucan, waxaa hayay madaxtooyada, markaa sababaha keenay madmadowga oo aan wasaaradda iyo wakaaladdu war uga haynin. Runtii anigu waan raadiyay, wali wax qoraal ah oo mashruucaasi leeyahay oo ka yimid dawladda Imaaraadka Carabta, oo qiimayn ah oo xaalad wax lagu garanayo ah, mashruucaasi marna ma uu yeelan.” Ayuu yidhi wasiir Koore

Su’aal u dhignayd, maadaama ay madaxtooyadu haysay mashruucan xidhiidhkiisa, marna ma isku daydeen inaydun weydiisaan waxa fashiliyey mashruucan,oo la sheegayo inay lacag farabadani ku baxday, ayaa markale wasiirku ku jawaabay; “haa waanu isku daynay inaanu wax ka ogaano inay wax qoraal ah jiraan oo wakaaladda ha noqoto, wasaaradda biyaha ha noqoto ama madaxtooyada ha noqotee, waa mashruuc si lagu waday af ah, kow iyo toban sanadood baanu mashruucani socday, oo wuxuu bilaabmay dawladdii Riyaale sanadaheedii ugu dambeeyay iyo todobadaa sanadood ee dawladdii hore ee Kulmiye jirtay wuu socday, markaanu hadda dawladdan cusub ee Muuse Biixi uu hogaaminayo aanu nimidna, waxaanu is nidhi qiimeeya oo sameeyana waxaanu soo ogaanay inaanay jirin biyo Hargeysa la keenaa.”

 

“waxa weeyaan, aqoontii ayaa runtii qaloocatay oo la dhinac maray. Waxaan hayaa hal meel lixdii ceel ee sida qorshaysan loogu talogalay in loo qodo. Lixdii ceel lama raacin, hal ceel oo meesha ku yaallay oo uu Shiinuhu sameeyay waa hore ayaa laba iyo toban ceel laga dul dhisay korkiisii, intii ceel ee loogu talogalay ee lixdaa ahaana looma dhaqaaqin. Aqoontii ayaa la diiday, sababta keentay fashilaaduna waa taas.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here