“somaliland waxaan kaga imid niyad xumo,oo waxaan isku hayay maku noqta,ma iskaga tagta..marka aad aragto umad dhan oo…” Eng.Faysal Cali Waraabe
Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xibiga Ucid engineer Faysal Cali Waraabe oo safar ku maraya qaar ka mid ah dalka qaarada Yurub ayaa khudbad ujeediyay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jarmalka,munaasibad lagu soo dhaweenayay guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo lagu qabtay magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka oo uu uga waramay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaas.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay wadahadalada Somalia oo uu sheegay inay dhibaatooyin badan soo kordhiyeen oo ay dawladda Xamar bilawday inay duulaan ku soo qaado Somaliland, guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo kahadlayana waxa uu yidhi “waxa weeyi dhibaatooyin cusub baa soo baxay,waa laynagu soo baraarugay soomaalidii inagay heshiis noo tahay,sahanku ka iman maayo Somaliland oo burburta maahine siday iyagu niyaysteen,inaguna maalintaynu gaarka isu taagnay baa inoogu dambeysay inaynu xisaabtano,maxaa inaga xumaaday,maxaa inoo hagaagay oo wadatashi samayno waxaynu u kala baxnay muxaafid iyo mucaarid,sidii baynu isku eryanaynaa muxaafidkii iyo mucaaridkii”
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu ka hadlay aqoonsiga ka maqan Somaliland oo uu tilmaamay ictiraafka Somaliland ka maqan aanu ahayn mid caalamku sabab u yahay oo ay cidi ka hortaagan tahay,balse waxa uu sheegay in tamar xumo iyo taag daro Somaliland gudaheeda ah ay sababtay oo laga gaabiyay taasina ay keentay in maanta muddo 23 sanno ka dib ay Somaliland aqoonsi la’dahay “hadda waa 23 sanno haddii aydun imika aad u akhridaan ama dhageysataan cajaladihii BBC-du saari jirtay aniga oo leh sanadkaa hadaydun is adkaysaan sanadka ku xiga waxaydun heli doontaan ictiraaf,marnaba ismaan lahayn ictiraafka somaliland intaas buu qaadan doonaa,hana moodina ictiraafka inay ciddi inaga hortaagan tahay,tamar xumo inaga dhexdeena ah iyo taag daro iyo dedaal xumo ayaa inaga haya,waxaynu noqonay dad bal adigu ka waran super market waxba iib geyn kari wayday oo waxkastana ay dhexyaalaan,macrad yar oo Garoowe leedahay ayaa inaga xariifsan dawladda Somaliland,waxaan moodayay dadka inaynu ka ilbaxsanahay,inaga ayaa ugu badawsan dadka”
Guddoomiye Faysal ayaa waxa uu dhaliilay sida ay Somaliland u socoto oo uu sheegay inay ka gaabisay xidhiidhka dawladdaha Afrika siddii ay qadiyadeeda ula dhex tagi lahayd oo ay is dhexgal siyaasadeed iyo mid ganacsi iyo mid bulshaba ula samayn lahayd,waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi “xafiisyada garan mayno,siday dawladduhu u shaqeeyaan garan mayno,xidhiidh lama lihin dawladaha Afrika iyo Soomaalida-ba,inaga dhexdeenu xataa ma wada lihin oo reer,reer baynu u kala fadhinaa qaranna waynu samaynaynaa,dee ictiraaf laguma helo calan aan dhacayn iyo calan aan dhacayn iyo Somaliland iyo heeso iyo waxaas ee tacab baa lagu helaa.
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu ka hadlay nidaam uu sheegay in uu yahay nidaam jahwareer ah oo cadaalad daradu ragaadisay oo qabyaalad huwan oo maamul u ah Somaliland oo uu tilmaamay inuu quus ka taagan yahay dalkii dhamaa ee Somaliland “Waxa weeyi socdaalkaa imika aanu soconay ee aan u bixiyay socdaalkii midaynta,markaan ka imid Somaliland waxaan kaga imid niyad xumo waad dhageysanayseen tv-yadii aan ka soo baxayay,runtii waxaan isku hayay maku noqotaa,ma iskaga tagtaa,walaahi labaas ayaan isku hayay,xaqiiqdii marka aad aragto umad dhan oo wax dan guud ka hadlaya aanay jirin,markaad aragto umad dhan oo wada makarafoon sidata oo iscaayaysa,markaad aragtid maalin kasta suldaan dhalanaya,tusaale ahaan meel suldaan dhalanayaa waa meel aan dawladdi ka jirin oo markay dawladdu adkaato suldaanku wuu diciifaya oo waa laga tageya,magtu way yaraanaysaa oo waxa imanaya Insurance,cadaalad baa imanaysa,institution baa samays maya,xisbiyadu xildhibaano ayay soo saaraan oo baarlamanka ku yeeshaan,laakiin marka xildhibaanadii iyo dawladdu ay is raacaan oo ay ku heshiiyaan inay sharciga dalka jabiyaan oo wakiilkii la doortay shanta sanno uu shan kale sii fadhiyo oo sharci kasta oo dawladdu keento u saxeexo dee markaa yuu ka wakiil yahay,iyaga ayuu ka wakiil yahay
Halkan ka daawo khudbada Eng.Faysal Cali Waraabe u jeediyay jaaliyada ku dhaqan Jarmalka ee uu kaga hadlay amuurahan