Duqayntii Sucuudigu ku Hayey Dalka Yemen Oo Loo Hakiyey Daad-guraynta Pakistaniyiin Dalkaas Ku Sugan

0
31

Sanca: (Hubaal)-Sucuudigu waxay shaaciyeen inay muddo kooban hakiyeen Duqayntii Diyaaradahoodu ku hayeen Hawada Waddanka Yemen oo lagu Badhtilmaameedsanayey Xuutiyiinta Dagaalka ku haya Dawladdii waddankaas.

 weerarka yemen

Sarkaal u hadlay Dowladda Sacuudiga ayaa wuxuu sheegay in muddo laba saacadood ah ay joojinayaan Duqeymaha ay ku garaacayaan Magaalooyinka ay ku sugan yihiin Xuutiyiin.

Sababta Sacuudiga uu u hakiyay labada saacadood Duqeymaha ayaa waxa ay tahay in Dowladda Pakistaan ay muwaadiniinta kala baxeyso dalka Yemen, sidaasi awgeedna si dhibaato aanay u soo gaadhin muwaadiniinta Pakistaan u dhashay Duqeynta ay joojinayaan.

Sidoo kale Dowladaha qaar ayaa muwaadiniintooda kala baxaya gudaha dalka Yemen, si Duqeymaha Sacuudiga uu hormuudka ka yahay aanay khasaare uga soo gaadhin.

Sarkaalkan u hadlay Dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in natiijooyin wax ku ool ah ay ka gaadheen Duqeymaha ay ku garaacayaan falaagada Xuutiyiinta dalka Yemen.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa jab kala kulmaya Duqeymaha dhanka cirka ah ee Sacuudiga uu ka wado dalkaasi Yemen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here