Dr Xuseen Xoog Oo Is-Bar-Bardhigay Farqiga U Dhexeeya Xukuumadda KULMIYE Iyo Tii UDUB, Mucaaradka Wakhtigan Iyo Mucaaradkii Hore

0
32

Madaxweynuhu waa Madaxweynahaygii, haddii aanay danta Qaranku kallifayn inaan ka hor imaaddana, kamaan kor imaaddeen…”

Hargeysa, (Hubaal)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, Xuseen Muxumed Maxamuud (Xoog) oo isaguna wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii u horeysay ka hadlay farqiga u dhexeeya Xukuumadda uu ka tirsanaan jiray iyo xukuumaddii UDUB ee ee Kulmiye talada dalka kala wareegay.

xuseen xoogDr Xuseen Muxumed waxa kale oo uu ka hadlay astaamaha iyo hab-dhaqannada ay ku kala duwan yihiin mucaaradka uu ka tirsan ee xilligan iyo mucaaraddadii Xisbiga Kulmiye ee kuu ka tirsanaan jiray, waxaanu qiray jiritaanka astaamo ay ku kala duwan yihiin.

Dr Xuseen Xoog oo ka mid ahaa Golihii wasiirada ee ugu horreeyey dhismihii Xukuumadda Kulmiye, ayaa muddo laba sanno iyo dheeraad ah soo hayey xilka wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo loo magacaabay bishii July 2010-kii, ka hor intii aanu madaxweyne Siilaanyo badhtaha sannadkii 2013-dii xilka ka qaadin, isaga oo daba-yaaqada sannadkii horena ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye

“Annagu markii aanu Kulmiye ahayn waxaanu xukuumaddii hore kaga soo horjeednay inay Cabbudhin badan waddo oo ay xorriyatul-qawlka ka soo horjeedo oo wax-qabadkeedu liito, laakiin haatan waxaad moodda in wixii aanu xilligaas ka cabbaynaynay inay kasii darto mooyaane inaan qodobna laga debcin, Haddii ay tahay la macaamilka Saxaafadda iyo wada-lahaanshaha Dawladnimada sida warbaahinta qaranka oo kale, waxaana aad mooddaa uun in sawirkii uu noqday uun Dawladdii oo Halkii UDUB fadhiisatay oo waliba ka Gacan Kulul iyo Mucaaridkii oo halkii Kulmiye Fadhiistay oo Ka Af-gaaban oo ka Gacan-qabow,” Sidaas waxa yidhi Dr Xuseen Xoog oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa.

Dr Xuseen Xoog waxa kale oo uu sawir ka bixiyey xaaladda Guud ee dalku xilligan marayo, isaga oo ku dooday inay jiraan gol-daloolooyin saamayntooda waxyeello ku tahay qaranimada oo u baahan in wax laga qabto, waxaanu yidhi, “Runta marka aynu eegno Meel xun ma marayno maadaama aynu nahay qaran dhisan oo aamin ah, haddana sidii la rabay waxba uma wada jiraan oo maanta goldololooyin way ka muuqdaan Xagga isku wadka dadka iyo midnimadii beelaha somaliland, waana laga soo kaban doonaa, waynu arkaynaa in arrinta Awdal wax ka jiraan oo ay xataa tabashaddaas kusoo gabadaan dad dano gaar ah lihi. Xaggii Barina ma dhamaystirna oo waynu ognahay.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka hadlayey rejada laga qabo doorashooyin ku qabsooma wakhtiga loo muddeeyey ee ku beegan badhtamaha sannadkan, waxa uu ku dooday inaanu jirin ifafaalo muujinaya inay doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigooda, isaga oo taas ku sababeeyey in nidaamka sharciyeed ee Baarlamaanka u jideeyey qabsoomiddeedu keenayo dib-u-dhac ku yimaadda doorashada.

“Sida ay wax u socdaan waxaad mooddaa inaanay suurtagal ahayn inay doorashooyinku sidii loogu talo-galay u dhacaan, sababtoo ah xeerka Baarlamaanku ansixiyey ayaaba fursad siinaya in waxoogaa Dib u dhac ahi dhaco, waayo waxa uu leeyahay in marka diiwaaangleinta codbixiyayayaashu dhacdo lix bilood kaddib doorashada la qabto, walina may bilaabmin oo waynu ognahay, waxase muuqata cago-jiid badan kadib inaanay taasi suurtagal ahayn,” ayuu yidhi Dr Xoog.

Xuseen Xoog oo la weydiiyey Xidhiidhka uu haatan la leeyahay Madaxweyne Siilaanyo oo ay hore saaxiib dhow u ahaan jireen, ayaa ku jawaabay, “Madaxweynuhu waa Madaxweynahaygii ixtiraam iyo Sharaf baana naga dhaxaysa, haddii aanay danta Qaranku kallifayn inaan ka hor imaaddana, kamaan kor imaaddeen, laakiin danta qaranka ayuunbaa kalliftay inaanu laba fikradood oo kala duwan kala yeelano maanta,” Sidaas ayuu yidhi Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here