Dowladda Japan Oo U Baroordiiqeysa Geerida Wariye Kenji Koto Oo Kooxda ISIS Qoorta Ka Goysay

0
43

Baroor diiq ayaa loogu sameeyay maanta oo Axad ah magaalada Tokyo wariyihii u dhashay Japan – Kenji Goto, kaasoo sida muuqata ay qoorta ka gooyeen koxda xag jirka ah ee ISIS.

Iyadoo Japan ay u barooraneyso dhimashada wariyaha,  ayaa ehelada duuliye u dhashay Jordan , Muath al-Kasaesbeh, waxay ka codsadeen dowlada Jordan inay u furfuraato wada xaajoodka ku aadan sidii loo sii deyn lahaa duuliyahan.

Yassin Rawashda  oo adeer u ah duuliyaha ay ISIS heysato ayaa inay dowladda ka doonaaan inay runt aka sheegto sida wax  u socdaan.

 japan mourns

Waxa ay ku danbeyn doonto xaaladda labada laheyste ayaa horey la isugu xiriiriyay, laakiin muuqaal Fidiyow oo ay sii deysay ISIS oo muujinayay qoor goynta wariyaha reer Japan Ayaan lagu soo hadal qaadin xaaladda Kasaesbeh,  taasoo sare u qaaday walaacii laga qabay xaaladiisa nololeed.

Dowladaha Japan iyo Mareykanka ayaa cambaareeyay dilka wariyaha reer Japan.

Ra’isul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ugu yeeray dilka wariyaha mid bani aadanimada ka baxsan, wuxuuna wacad ku maray inuusan waligii cafin doonin kuwii dolkaasi geystay.

source:voa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here