Nairobi(Hubaal) -Ciidamada Cirka Kenya ayaa duqaymo ka gaystay galinkii hore ee Isniinta Gobolkak Gedo ee dalka Somalia.
Diyaaraddaha Dagaalka Kenya, ayaa bartilmaameedsaday saldhigyo Al-shabaab leedahay kuwaasi oo ay ku qorshayso weerarada gudaha Kenya laga fuliyo.
Arrintan ayaa noqonaysa talaabadii koowaad ee Dawladda Kenya kaga jawaabayso weerarkii Al-shabaab ku qaaday Jaamacadda Garissa todobaadkii la soo dhaafay, kaasi oo sababay dhimashada 148 Qof iyo dhaawaca dad 100 ku dhaw.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa dhawaan wacad ku maray in xukumaddiisu uga jawaabayso falka Al-shabaab sida ugu daran ee Suurto galka ah.
Afhayeenka Ciidamada Kenya David Obonyo, ayaa Saxaafadda u sheegay goobaha la bartilmaameedsaday ee Al-shabaab ku sugan tahay,balse ma jirto faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.
Weeraro noocan oo kale ah ayaa hore u waxyeeleeyay dad shacab ah kuwaasi oo walaac badan ka muujiyay weerarada cirka ah ee aan loo miidaan dayin oo dad iyo duunyo wax yeelay.