“Diyaar Uma Ihi inaan Xil kasii Qabto Xukuumadda Uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo”Wasiir Samaale

0
34

Hargeysa: (Hubaal)-Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu horraysay si cad u sheegay inaanu qaban doonin Xilka Wasaaradda Waxbarashada ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.

Mudane Samaale waxa uu tilmaamay inaan wax talo ah lagala yeelan magacaabistaas, isla-markaana uu Go’aansaday inaanu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kasii mid ahaan Karin.

samaale“walaahi madaxweynuhu wuu mahadsan yahay xilkaas maan aqbalin, mana aqbalayo diyaarna uma ihi inaan xilkasii qabto dawladda uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Siilaanyo,” ayuu yidhi Mudane Samaale.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sababeeyey Xilka-qaadistiisa, ayaa cabasho ka muujiyey Hannaanka Xilka Looga qaaday, waxana uu xusay inuu Madaxweyne Siilaanyo baalmaray Saaxiibtinimadii dheerayd ee Mudada dheer usoo dhaxaysay, waxana uu yidhi, “wafti wasaaradda Maaliyadda katirsan oo oo ilaa DG-ga ayaan safar ugu maqnayn safarkaas, madaxweynahana waanu ka wada soconay, habeen ka horna waan u sheegay inaanu safarkaas ka soonoqonay, kalgacal iyo wanaag baanu isku ogayn si lama filaan ayey arrintu u dhacday xilka qofka waa laga qaadi karaa, laakiin dareenkayga madaxweynuhu iyo saaxiibtiniimadii nasoo martay midna muu eegin.” Ayuu yidhi Samaale.

Mudane Samaale oo Hadalkiisa Sii Wata, ayaa inuu si degdeg ah u wareejin doono Xilka Wasaaradda Maaliyadda, waxana uu Hoosta ka xarriiqay inay jiraan Wax qarsoon oo dhawaan soo bixi doonaan,

“Xilkaa waan wareejinayaa wax qalooca keenayna waxan filayaa inuu madaxweynuhu ogaan doono runtii madaxweynaha waanu isku dhawnahay, waxana aan filayaa in wax hadda qarsooni ay jiraan oo soo bixi doonaan.” Ayuu yidhi Samaale.

Samaale oo ka Jawaabayey Su’aal la xidhiidhay halka uu ku dambayn doono Hankiisii Madaxweynenimo ee uu hore u shaaciyey, ayaa sheegay inuu sii wadi doono, isla-markaana iscasilaadiisu fursad u tahay ka midho dhalinta Hankiisa Dambe, waxana uu yidhi,

“Sidii buu hankaygu yahay mawqifka aan qaatayna waxan aaminahay inuu wax ka tari doono Hankayga.”

Wasiir Samale, ayaa Noqonaya Wasiirkii ugu horreeyey ee iska diida qabashada xilka wasaaarad loo magacaabay tan iyo intii xukuumadda Madaxweyne Jirtey, waxana la sheegayaa in Wasiir Samaale ay lama filaan ku noqotay in madaxweyne Siilaanyo uu ka xayuubiyo xilka Wasaaradda Maaliyadda oo uu aaminsan yahay inuu si fiican usoo maamulay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here