“Diyaar Baan U Ahay In Kursigayga Laga Doodo Waxaananu Filaynay Inuu Madaxweynuhu Arrintaas……”

0
38

Guddoomiye Cirro Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Asaabaha  Kallifay Shirka  Ay Qabanayaan

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),ayaa sababeeyey Shirka talo qaran ee ay isbahaysiga mucaaridku ku baaqeen inay qaban dooonaan Toddobaadkan gudihiisa, waxana uu sheegay inuu shirkaasi yahay mid xal loogu raadinayo xaaladda waddanka ka taagan.Cirro-iyo-golaha

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in shirkani lagama maarmaan  noqday, maadaama sida uu sheegay  muddo-xileedkii xukuumaddu dhammaad haatan galay.

Waxa uu sheegay inay yaqiinsadeen mucaarid ahaan inaanay xukuumaddu diyaar u ahayn inay doorasho qabato, isla-markaana sharcigu u oggol yahay inuu masiirka umadda ka taliso,   “maadaama xukuumaddu u muuqato inaanay diyaar u ahayn inay doorasho qabato, maadaama muddo-xileedkeedii uu gabaabsi yahay waddanka uu ku jiro warwar badan oo mid siyaasadeed, mid amni iyo mid kaleba lihi ay jiraan waxa ay noola muuqatay in loo baahan yahay talo umadeed in la helo oo lagaga baxo xaaladdan lagu jiro. Wax udiidaya inay umaddu tashatona ma jirto.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa haatan horboodaya shir aan wali la hubin sida uu u qabsoomi doono, iyadoo maalmaha soo socda uun ay mucaaridku u cayimeen inay qabtaan shir ay ku tilmaameen mid arrimaha waddanka lagaga tashanayo.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in xataa Kursigiisa Baarlamaanka Sharciyaddiisa doodda lagu soo daro, waxana uu yidhi,

“Diyaar baan u ahay in kursigayga laga doodo oo ajandaha lagu soo daro. xukuumaddu wakhtigii guurtida siyaaday ku dalbatay oo waa loogu daray, waxana aanu filaynay inuu madaxweynuhu arrintaas si degdeg ah u ansixiyo, wakhti doorasho oo la wada garanayaa ma jiro. Taasina waxay keentay in talo umadeed le helo xukuumadduna wali wakhti bay haysataa,”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here