“Dilalka Sida Khaladka Ah U Dhacaya Waxaa Masuulka Ka Ah Xukuumada ….Taliyaha Booliiskow Ma Adigaa Waxan Ugu Wacan Ciidanka???”

0
33

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo masuuliyada dilalka dalka ka dhaca xukuumada ku eedeeyay.

Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Ayaa Hadlay laba dil oo ciidanka booliisku ku toogteen laba wiil oo da’doodu ka yar tahay 20jir oo ka dhacay Hargeysa. Laba wiil oo midi yahay 11jir ka kalena yahay 16jir ayaa ciidamada booliiska ku toogteen magaalada Hargeysa. Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Ayaa dilal soo laablaabtay ku tilmaamay mid ay ku ceebaysantahay xukumada dalka ka talisa isla markaana masuuliyadeeda dhakada ka saaray xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo. Xildhibaanku waxaa uu sheegay in booliiska Somaliland ay haysato aqoondaro shaqadii loo igmaday taasina ay keentay inuu dilku soo noqnoqdo.xasan cawaale

Xildhibaan oo ka hadlaya dilalkii u danbeeyay ayaa yidhi “Waxaa iska daba imanaya dilal farabadan oo si khalada u dhacaya, isla markaana ay masuul ka tahay xukuumada Jamhuuriyada Somaliland, Inan yar oo 11jir ah ayaa xabad dhafoorka lagaga dhuftay, taasi waa mid khaldan oo aan waajib ahayn xukuumaduna ku ceebaysantahay, Arintaasina waa in si degdega wax looga qabtaa.”

Xildhibaan Xasan Cawaale Waxaa uu intaasi Ku Ladhay “Wiil dhalinyara oo saldhiga ku xidhnaa ayaa rasaas lala dhacay,waa khalad wayn”Ayuu Yidhi Xasan Cawaale Caynan.

Xildhibaan waxaa uu fariin u diray taliyaha booliiska Somaliland “Taliyaha booliiskoow ma ciidankaaga ayaan tababar qabin ma adigaa dhibta ugu wacan, Aduunyadu way ka oydaa hadii caruur la laayo,inaku maxaynu nahay marka caruurta madaxa laga tooganayo, Waxaanu leenahay xukuumadu dib ha iskugu noqoto gacanta fududna ha dayso”Ayuu Yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in ay si degdega ugu yeedhi doonaan taliyaha ciidanka bileyska si ay wax uga waydiiyaan dilalka ay gaystaan ciidamada bileyska Somaliland.

source:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here