Imaam Xasan Cabdurraxmaan Al-Banna wuxu dhashay 1906, kuna dhashay magaalada Maxmuudiya ee dalka Masar. Waxa la sheega inu ka dhashay qoys diin aqoon ah; aabihii wuxu ahaa nin ku horeeya cilmiga xadiiska.
Imaam Xasan Al-Banna magaalada Maxmuudiya ayuu Qur’aanka Kariimka ah ku xifdiyey, dugsiyadiisi hoose dhexena ku dhamaystay. Ka dib wuxu u wareegay Qaahira oo u ku dhamaystay dugsigiisi sare. Isla jaamacadisi wuxu ku dhamaystay Qaahira, isagoo ka baxay kuliyadda macalimiinta ee la odhan jiray Daarul-culuum, wakhtigu jaamacada dhameyey waxa lagu sheega inay ahayd 1924. Shaqadiisi ugu horaysay Imaamku waxa ay noqotay macalinimo, isagoo ka hawl gali jiray dugsiyada sare ee magaalada Qaahira.
Waxa la sheega intu macalinimada ku jiray Imaamku inu aad uga fikiri jiray xaalka dalka Masar, iyo dalalka Carabta waaqicooga nololeed, iyo xaalka guud ummadda Muslimiinta; gumaystihii oo badi dhulkii muslimiinta ka talinaya, iyagii oo xadad iyo xuduudo aan jirin lo kala sameeyey, diinti gumaystaha oo ku fidaysa dhulkii Muslimiinta; dugsiyo dadkii magacyadii lagaga badalayo oo la furtay, inankii shalay Maxamed ahaa oo maanta la baxay John.
Waxa yadna la yaab leh Imaam Xasan Al-Banna AHN marka uu intaa is waydinayo waa labatan jir, hadana sida aad arkayso u fikiraya.
Imaamku wuxu bilaabay wacdi fikri ah inu dadka la yeesho, meel kasta oo dadka da’diisa ahii iskugu iman jireen Imaam Xasan Al-Banna wu tagi jiray, isagoo doonayey inu garaadka dadka kobciyo, waxa laysku yahay iyo sida wax layskugu yahayna u sheegayey. Kalmada ah waxa layku yahay iyo sida wax layskugu yahay; waa ta maanta dad badan oo Muslimiin ahii kala garan layihiin.
Aas Aaskii Imaamka ee Ikhwaanul Muslimiin
Markii ay duntay khilaafadi muslimiinta u dambaysay ee Cusmaaniyiinta kana taagnayd Turkiga badhtamihii 1924-kii ayaa culimadi, ayaa wax garadkii Muslimiintu garawsadeen sidan wax u socda in aanu xal ahayn. cid walba oo xilligaa joogtayna is abaabul sameyeen xal raadin ah, tamarta ay doonan ha la haadaane.
Imaam Xasan Al-Banna wuxu ka mid ahaa raggi baraaruga sameeyey ama hormoodka ka ahaa is abaabulka. Sanadkii 1928-kii habeen ka mid ah bilowgiisi ayuu Imaamku dhowr qof oo saaxiibadiisi ugu dhawaa ka mid ah ugu yeedhay gurigiisi, wuxu u sheegay hadafkiisa ah inu sameeyo urur ka shaqeeya hawlaha diinta. Kaas oo loogu magac daro Ikhwaanul Muslimiin, macnaheeduna yahay Walaalaha Muslimiinta.
Imaamku saaxiibadi wuxu u sheegay haddii afar la helo in ay himiladooda si dhib yar u gaadhi donaan, himiladaas oo ah; Islaam mid ah, Islaam xoog leh, Islaam aqoon durugsan leh. Afartaasina waxay kala ahayeen:-
- Qof Muslim ah
- Guri Muslim ah
- Mujtamac Muslim ah
- Xukun Muslim ah
Taasi waxa ay muujinaysay indheer garadnimada Imaamka, isagoo da’daas ah hadana himiladiisu sidaa dheerayd. Dhiska aad doonayso waxa udub dhexaad u ah qofka Muslimka ah, kaas oo badhi taageeraya hawlaha diinta. Guriga Muslimka ahii waa ka soo saaraya Mujtamaca Muslimiinta ah ee doonaya inay isku xukumaan xukunka Alle SWT. Talaabada Imaamku waa talaabadi Rasuulku CSW ku dhisay dawladdi Muslimiinta ahayd. Waxa la arki jiray qof kasta oo ku jira Ikhwaanku inu aaminsana in aan cidi uga dhawayn u hiilinta diinta. Taasa u sabab ahayd inu muddo yar uu ku hana qaado Ikhwaanku.
Imaam Xasan Al-Banna AHN in ka badan shan iyo labatan sanno ayuu dadka diinta Alle SWT ugu yeedhayey; mabda’ ahaan bararujinayey, kobcinayey garaadkooga, macnaha Islaamnimo u sharaxayey, barashada aqoonta qaybaheeda kala tagsan ku dardarayey, indheer garadnimada so dhawaynayey.
Shakhsi ahaan wuxu ahaa nin ku manaysan dabacsani, dad isku hayn, waji furnaan, iyo in aanu ahayn nin deg dega, waxa kale oo u ahaa nin odoros dheer leh, ifafalayntiisana lama qiyaasi karayn, ma ahayn nin jawaabista ku deg dega, qof kasta oo ay is hayaan ma colaadsan jirin, hase ahaate wuxu danayn jiray sidu ugu so jan jeedhin lahaa dhanka dacwadda. Bal illa eeg isaga iyo Sayd Qudbi wixi so kala maray.
Suxufi Maxamed Cali Xaliim oo ka tirsana Ikhwaanka ayaa maalin u yimid Imaamka AHN, dabadeed wuxu tusay maqaal uu Sayd Qudbi kuso qoray jaraa’iidki la odhan jiray Al Ahraam, maqaalkaas oo uu Saydku ku lahaa dadku ha socdaan maryo la’aan (xiligaa Saydku ma ahayn wadaad). Suxufi Maxamed Cali Xaliim wuxu soo diyaariyey qoraal uu ugu jawaabayey Saydka, isagoo ugu keenay Imaamku ka eego inta aanu jaraa’iidka u geyn, hase ahaate Imaamka ayaa ku yidhi “Maxamedow haddii aad u jawaabto armu yarku kusi fogaada, oo uu ina colaadsada, Maxamadow maqaalkiisani waa mid liita oo inta akhrisanaysa ay kooban tahay, haddii aad adigu u jawaabto dadku kiisi ayey raadsan doonaan in badan wu saamayn doona, yarkana waan aqaana oo wuxu ku barbaray mandaqad afkaarta reer galbeedka ilbaxnimo u haysto. Mase laga yaaba Maxamadow yarkan (Sayd Qudbi) in uu maalin maalmaha ka mid ah diinta u gargaaro”.
Bal eeg indheer garaadnimada Imaamka, Saydku isagoo qoraya qoraalkaas ayuu hadana Imaamku leeyahay armuu maalin maalmaaha ka mid ah diinta u gargaara, Sayd Qudbi waad og tahay sidu ku dambeyey. Waxa kale oo yadna tusaale ah, in aan qof kasta laga quusan, oo soo Rasuulku CSW mu lahayn “Illahow labada Cumar midkood Islaamka ku quwe”, labada Cumeri waxa ay kala ahayeen Cumer Ibnu Khadaab R oo inta aanu Islaam noqon la ogaa sidu diinta iyo dadka faafinaya u dhibi jiray, ka kalana waa Camar Ibnu Hashaam, oo abu jahal ku magac dheera.
Ta sadexaad ee laga faa’iidayo hadalka Imaamka waxa weeye in aan la qaad qaadin oo aan la buun bunin hadalada kaso yeedhaysa kuwa xambaarsan afkaarta shisheeye. Lagana door bido u jawaabistooda in la xaqiiro oo hoos lo dhigo. Si aanay wax isku moodin, dagaal iyo colaysi aan jirina aanad abuurin.
Muddo ka dib Imaam Xasan Al-Banna AHN wuxu gaadhsiyey dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin meel aad u saraysa, fikirkiisina wuxu noqday mid taaba galay oo hana-qaad noqday, kaas oo in badan la mahadiyey.
1949-kii ayaa ciidamadii Jamal Cabdinaasir ku toogteen Imaam Xasan Al-Banna waddo ka mid ah wadooyinka magaalada Qaahira oo uu markaa lugaynayey Imaamku, dhakhtarkii la geyey ayaa naftu kaga baxday ImaamkaAHN.
Shakhsiyadii Imaamka waxa jira dad badan oo ka hadlay, waxana ka mid ah Callaama Xasan Anadawi oo ahaa caalim weyn oo u dhashay Hindiya “Imaamku wuxu ahaa daaci, mujaahid, macalin iyo murabi dadka tarbiyadeeyey”.
Waxa kale oo ka hadlay Sheekh Maxamed Al-Xaamid oo ahaa sheekhi Shaam “Imaamka oo kale muddo badan ummadan ma so marin”. Wuxu qoray kutub badan oo la anfacsaday dadkana thaqafadooda kor u qaaday, waxa ka mid ah kitaabka weyn ee lagu so ururiyey qoraaladii Imaamka ee la yidha Rasaa’ilu Al-Banna.
Imaamku hadafkiisi waxa muuqata in uu ku guulaystay, dalku shalay kaligii ka ahaa, maanta fikirkiisi waxa haysta 65% oo dadka reer Masar ah. Guud ahaan dunida Muslimkana waa xarakada ugu balaadhan ee ka hawl gasha, marka laga hadlayo dhaq dhaqaaqyada ay isku da’da iyo isku manhajka yihiin.
Wuxu soo saaray Imaamku raacyo kala duwan oo si isku mid ah lo mahadiyey; waxa ay Ikhwaanul Muslimiin yeelatay culimo waaweyn oo guud ahaan ummadda Islaamku mahadiyeen, waxa ka mid ah Callama Sayd Saabiq oo ahaa faqiih weyn ahna qoraaga kitaabka weyn ee Fiqi Sunna, Callama Qaradaawi oo kutubtiisu tiro beeshay, Callama Xasan Anadawi, Callama Mawdudi, Sayd Qudbi, Maxamed Qudbi, Fatxi Takan, Cabdiqadir Cawda, Salman Cawda iyo culimo aan halkan laguso koobi karayn.
Xarakada Ikhwaanul Muslimiin waxa jira culimo badan oo dhalila sida ay wax u wadaan, waxa kaloo jira culimo dedifeeya manhajkooga, kuwaas oo leh culimo waaweyn, oo ka mid ah culimada Islaamka qarnigan so maray kuwooga ugu waawey. Waxa kale oo jirta dood odhanaysa culimadaas lo maqli maayo waxay uso raaceen dawladda Sucuudiga oo manhajka Ikhwaanka dalkeega ka mamnuucday.