Hargaysa(Hubaal)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka Mid Ah madax dhaqameedka somaliland ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee Somaliland,waxaana uu sheegay in dibu dhaca doorashada Duasha laga saari Doono Xukuumada.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Gacan ku dhiig-layaasha dalka gaystay isaga oo soo jeediyay in Ay Xukuumadu ku Fuliso Dilkii Ay mustaysteen.
waxa uu sidoo kale Sheegay in Dalkii Iyo dadkii Dhisnaa ee lagu wareejiyay Madaxwayne Siilaanyo laga garanayn Meel lagaga waramo,Axsaabta mucaaradka waxa uu shaki Kaliyay mucaarad-nimadooda waxaana uu yidhi.“Hortu waxaanu ka xunay Bilayskii Somaliland oo gacanta ka baxay oo Aad moodo in ay luntay haybadii bilaysku iyo nidaamkoodii oo iyagii tookanaya dadkii shacabigii Aan iyagu hubaysnayn iyagu laynaya
oon dadkiiba laba kalmadood isa waydaarsanayn oo xabada ladhacaya.
waxa uu boqorku sidoo kale ka hadlay soo jeediyay dadka xabsiyada ku jira ee dilka gaystay in ay xukuumadanu ku fuliso madaama oo dadkii dilka gaysan jiray Faraha ka baxeen.
“waxaana soo jeedin lahaa qof qof dila in dilka lagu fuliyo dadkii oo boqolaal gaadhay ayaa jeelasha kuwada xaraysan,hortu waxaanu bulsho waynta somaliland oo dhan ka codsanaynaa in dadkan dadka laawayay xukunkooda lagu fuliyo xukuumadana hadii ay wax isla hayso waxaan leeyahay si aan dadka si sahlan loo tookan fuliya dadkan xidhan ee dil u jooga ah.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Xaalada dalka iyo doorashooyinka Fooda inagu soo haya taas oo ku tilmaamay inaanay doorasho dalka ka dhacayna dib u dhaceedana dusha u saaray xukuumada.
“Xaaladaas Maanta dalka ka taagan waa loogu talo galay in dalka muran lagilayo,nimanka meesha jooga mudo cayiman ayaa ladoortay xilkooduna mudo ayuu ku eekaa, in ay dalka doorasho gaadhsiiyaan ayay ahayd,dalkana sidii daahir riyaale ugu wareejiyay in ay ugu wareejiyaan ayay ahayd,lakiin dadkii iyo dalkii lagu wareejiyay midna mahayaan,meel ay kaga waramaana garan mayaan iyagaana muranka keenaya Markaas shacabka ayay u talaa in ay ka tashadaan.
Sidoo kale isaga oo hadalkiisa siiwata Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa waxa uu yidhi.”Masuuliyada dib u dhaca doorashada labada xisbi mucaarad xukuumada way laleeyihiin,waxaanad moodaa in mucaaridad dhab ahiba dalkan ka jirin,iyagiibaa mugudi Nagaga jiraa in ay Mucaaridadoodu sax tahay iyo in kale,waana ay la qabaan danbiga dalkuna is badal way u baahan yihiin sidana kuma sii jiri karo,dadkiina waxaad moodaa in lagu cabsi galinayo nabada hala ilaaliyo,dadkii xaalada taagan iyo dhibka ka hadlayna in xabsi lagu riday waad la socotaan,wax la eegan karan maaha xaalada adage e lagu jirana feejignaada Ayaan odhan karaa.
Boqorku waxa uu ka hadlay xisbiga uu ku biirayo saddexda xisbi ee dalka ka jira waxaana uu yidhi.”Anigu waan kala garan waayay xisbi Aan ku biiro,madax dhaqmeedkuna in ay xisbi ku biirnaa maaha,anigu sabab aan xisbi ugu biiro meesha mataalo oo anigu dhaqankii Ayaan ka mid ahayn oo u kala hiilin mayo shacabka,Xaqna waan u leeyahay inaan sheego wixii jira kuna dhaliilo hadii uu maamulku wax kharibo,oo waliba dhaliisha koobaad ayay xukuumadani leedahay oo dalkii iyo dadkii loo dhiibay meel ay kaga waranto way garan wayday.
waxa uu sheegay xukuumadani Xilka haysa inaanay jirin waxa uu ku Amaano waxaan ahay sida uu sheegay guryaha wasaaradaha oo ay rinji marisay mooyaane.”Biriijkii hargaysa waxaan jeclaan lahaa inaad tagtaan xabaalo ayaa ka jeex may,laamina ceerigaabo ayaa laga dhisayaa ayaa lasheegay,maxaa biriijkan caasimada loo dhisi wayay ee uu marayo maalin kasta madaxwayne siilaanyo,markaanu wax wanaagsan aragno waanu Amaani hadii kale may.
source:Hadhwanaagnews