Hordhac
Waan wada dhaliilnaa
Dhaleecayn baan saarnaa
Mana dhigno halshayoon
Kaga baxno dhibaatada.
Waa dareenka iyo damqashada shacbi waxii ay horrumar dhaqaale, siyaasadeed iyo arima bulsheed ay samayn lahaayeen uu u af-duubanyahay si xun u adeegsiga kala duwaansha isireed ee uu Alle ugu talagalay in ay isku gartaan. Waa dareenka iyo damqashada bulsho ay dhextaalo iima iyo aanooyin aan lahayn ab, aabbo u jeeddo ay u dhaceen amaba laga gaadhay. Waa dareenka shacbi illaa iyo intii ay ka baxeen gacan ku haynta gumaysta 1960kii ay u beddeshay aafo qaramada adduunka iyo qoomahoodba ka reebtay.
Badhtamaha qarnigii 20aad markii ay babanaysay dabayshii is beddel doonka gumeystaha Afrika, Soomaalidu nasiib waxa ay u heshay in ay ka mid noqoto waddamadii ugu horreeyey ee ka baxay gacanta gumeysataha. Inkasta oo uu dhulkoodii qaybo ka mid ah gacanta u geliyey dalal shisheeye, saamayno kalana kaga tegay, waxa uu gumeystuhu go’a ka laalaabtay dhulkii Soomaalida iyaga oo ay hal mabda’( Islaamino) dhammaan ay wada aaminsan yihiin. Haddaba, is weydiintu waxay tahay, maxaa ay Soomaalidu u dhisan waayeen dowlad/dowlado ay iyagu leeyihiin oo awood leh, maadaama oo ay hal fikir wada aaminsanyihiin? Iyada oo ay u weheliyaan qodobo kale, qodobka aan qoraalkan ku soo qaadan doonno ayaa ku jira kuwa ugu mugga iyo miisaanka weyn, weydiintaa horrena war celin u noqon kara.
Iyada oo mar walba sidan maanta oo kale fagaare walba laga lahaa qabyaaladdu waa shay xun e halaga fogaado, qabyaaladdu waa shayga ugu weyn ee baabi’iyey mustaqbalkii aabbayeesheen iyo awoowayaasheen ee ahaa in u badkoodu ku noolaadaan mustaqbak ka fiican kan ay maanta ku noolyihiin. Waa shayga ugu horeeya ee dumiyaha dowladaha aan dhisanno. Waa tii dumisay dawladdii Maxamed Siyaad Barrihii lahaa qabyaaladda waan aasay. Waa ta caqabadda ku ah maanta oo aan leenahay waxa aan ka guurnay dowladdii ku salaysan habka beelaha (clan based political system) oo waxa aan u guurnay habka xisbiyada badan (multiple party system).
Gorfayn
Habeenimadii taariikhduna ahayd 31kii December,2016 ayaa kulan lagu gorfaynayo “ Dhibaatada Qabyaaladda sidee loo Dhaafi karaa” lagu qabtay Safaari Hotel. Kulan kan oo ay qabanqaabadiisa iyo isku duba ridkiisa lahaayeen Ururka Dhallinyarada Naafic,UDhN, waxa gorfayntiisa iyo qaadaa-dhiggiisa lahaa Cabdikariim Axmed Mooge, Guuleed Maxamed Yaasiin iyo Xasan Daahir Ismaaciil waxana ka soo qayb galay dhallinyaro aad u fara badan oo ka kala socota qaybaha bulshada, gaar ahaan ardayda jaamacadaha dalka. Dhammaan masuuliyiinta kulan ka martida ku ahaa (C.M.Mooge, G.M.Yaasiin iyo X.D.Ismaaciil) waxa ay sheegeen baahida loo qabo kulan caynkan ah iyo in dhallinyaraddu ka dheeraadaan qabyaaladda.
Guuleed Maxamed Yaasiin waxa uu xusay in lagu yareyn karo amaba lagaga bogsoon kara qabyaaladda iyada oo Diinta iyo Kitaabka Alle loo laabto. Waxa uu intaa ku daray baahida loo qabo in la ururiyo dadka aad ka u maskaxda badan (think thanks) lana baro qaabka loo sameeyo cilmi baadhista (Research) si looga faa’iidaysto xaaladaha adag sida qabyaaladda oo kale. “Qorshe, qiimayn iyo siyaasad cad in loo sameeyo qabyaaladdu waa shay lama huraan ah” ayuu yidhi Guuleed oo hadalka sii wataa.
Xasan Daahir Ismaaciil ayaa isna sidoo kale xusay in illaa 1960-1969 sidan maanta looga qaylinayo qabyaaladdu markaana ay u jirtay marka la eego suugaanta xiliyadaa la tiriyey. “Qabyaaladdu waa qalab( tool) ay cid gaarihi ku adeegato” ayuu ku daray Xasan Daahir Ismaaciil.
“Qabyaaladdu waxa ay faraha ka baxdaa marka doorashadu soo dhawaato, maalin welbana waxa lagu tuntaa xeer lambar 14, kaa soo sheegaya in aan lagu arkin xisbiyada wax astaan qabiil muujinaya. Sidaa darteed, waxa aan Gudida Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka faranaa in xeerkaa ciddii jebisa waajibkeeda la mariyo”. Waxa yidhi Cabdikariim Axmed Mooge oo muddo badan ku soo jiray ololaha cidhib tirka qabyaaladda. Cabdikariim oo kulan ka soo afmeeray waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay, qabyaaladda in aan ka baxno waxa inaga xiga inta aan heleyno hoggaan qabyaaladda ka nadiifa.
Gabagabo
Qabyaaladdu waa dhibaato ka jirta waddamo badan oo caalamka ah laakiin Soomaalida si gaar ah jilbaha ugu laabtay. Waxa lagaga bixi karaa da’ yarta maanta joogta oo si togan uga faa’iidaysta waxii mustaqbiilkii aabbayaashood baabi’iyey, Diinta iyo dadnimadana ka horaysiiya kuwa durbaanka qabiilka tumaya.
W/Q: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed ( Ubaxle)
ubaxlemaxamed@gmail.com