Dhalinyarada Gobolka Saaxil ooTaageeray in Xukuumadda La Kala Diro haddii doorasho dhici weydo 26 june.

0
29

Ururka isbahaysiga dhalinyarada gobolka saaxil,ee marka maagcooda la soo gaabiyo la yidhaahdo,(SYA),ayaa waxay shir muhiim ah,oo ay iskugu yimaadeen,waxay ku go’aamiyeen in la taageero go’aanka asxaabta mucaaradka ah ee ah.Berbera

1: in xukuumada la kala diro marka la gaadho 26 june/2015-ka

2: sidoo kale la kala diro golaha wakiilada isla marka la gaadho 26/june/2015-ka

3: in la dhiso dawlad wadaag ah,oo ku meel gaadh ah,oo dalka gaadhiisa doorasho xor iyo xalaal ah.

4: in la hakiyo wada hadalada Somaliland iyo somaliya u dhaxeeya ,madaama oo mandate-kii xukuumadu sii dhamaanayo.

5: in la joojiyo heshiisyada lala gelaya shirkadaha shisheeye,madaama oo ay xukuumadii wakhtigii ka dhamaanayo.

6: in hantida umada si gaar ah,loo ilaaliyo,madaama oo hada uu socdo boob xawli ah,oo lagu hayo hantida umada Somaliland ka dhaxeeya oo dhan.

Dhalinyarada ayaa soo saaray war murtiyeedkaasi kadib shir balaadhan oo ay maanta oo ay taariikhdu ahayd 24/2/2015-ka ay iskugu yimaadeen magaalada berbera.

Afhayeenka ururka

Adan C/salaam C/laahi

Email:syaberbera@gmail.com

Berbera/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here