Dhakhaatiirta Carbeed Ee Dalka Ka Hawl-gala Oo Cududooda Isugu Geeyey Urur Ay Caasimadda Kaga Dhawaaqeen

0
37

Hargeysa:(Hubaal)-Dhakhaarta Carbeed ee Somaliland ku nool ayaa samaystay Urur ay ku Midaysan yihiin, waxana Munaasibaddii Ururkaas Lagaga dhawaaqayey Kasoo Qaybgalay Xubno katirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dhakhaatiir Ajanabi iyo Somalilander ah, Aqoonyahanno, Salaadiin, Cuqaal iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.midowga dhakhaatiirta

Ugu horrayn waxa Halkaas ka Hadlay Munaasibaddaas waxa ka Hadlay dhakhaatiir kala duwan oo ay kamid ahaayeen Dr Cabdulbaasid iyo Dr Ibraahim oo kamid ahaa dhakhaatiirta Carbeed ee midoobay, waxana ay sheegeen inay ujeeddadoodu tahay sidii Bulshada Somaliland u heli lahayd Adeeg caafimaad oo hufan, isla-markaana ay si wada jir ah ugu waajihi lahaayeen Baahida caafimaad ee Dalka Taalla.

Waxa ay dhakhaatiirtan caafimaad ee kasoo jeeda Dalalka Carabtu tilmaameen in Midowgoodu ka fog yahay Arrimo siyaasadeed, taas Beddelkeedana ay cududooda u mideeyeen sidii ay si wada jir ah xoogga ugu saari lahaayeen inay ka midho dhaliyaan hammigooda ah inay buuxiyaan baahiyaha caafimaad ee Waddanka.

Dr Daahir Xasan Daahir oo wakiil ka ah Dhakhaatiirtan carbeed, ayaa sheegay inuu muddo dheer uu ka shaqaynayey sidii dhakhaatiirtani ay Somaliland uga Hawlgeli  lahaayeen, isla-markaana uu kalsooni badan ku qabo inay wax weyn kusoo kordhin doonaan Sidii Bulshada Reer Somaliland ay u heli lahaayeen Adeegyo caafimaad.

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Mudane Muxumed Aw Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dhinaca Maamulka Degmooyinka, Wasiirka Qorshaynta iyo Xubno kale oo iyaguna Halkaas ka Hadlay ayaa si weyn usoo dhaweeyey midowga ay samayteen Dkakhaatiirtan Carbeed, waxana ay dhammaantood sheegeen inay tahay tallaabo hore loo qaaday si loo mideeyo aqoonta iyo khibradda dhakhaatiirtani leeyihiin.

Midowgan ay samayteen Dhakhaatiirta Carbeed ee Somaliland ku Nool, ayaa loo arkaa tallaabo xagga horumarinta loo qaaday, iyadoo maanka lagu hayo in markasta oo la mideeyo, aqoonta, maskaxda iyo Maalkaba in la gaadhi meelo ka sarreeyo Goobihii shakhsiyaadku gaadhi lahaayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here