Deeq La Guddoonsiiyey Hooyo Danyar Ah Oo Saddex Mataannood Ku Ummushay Hargeysa

0
50

Hargeysa:(Hubaal)-Shirkadda Dhismaha ee Barre Housing Firm ayaa maalintii shalay deeq lacageed gudoonsiisay Hooyo Nimco Miyir Xaaji oo Saddex Caruura oo mataano ah ku umushay Khamiistii toddobaadkii hore Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa. Hooyadan umushay Saddexda Caruurta ee mataana ah, waa hooyo danyar ah oo aan waxba haysanin, isla markaana nafaqo daro ku dhacday oo u baahan in gurmad degdega la la soo gaadho. Maareeyaha Shirkadda Dhismaha ee Barre Housing Firm Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Abtiyo) ayaa waxa Deeqdan lacagta oo dhameyd 500$ (Shan boqol oo Dollar) guddoonsiiyaya Hooyo Nimco Miyir Xaaji, waxaanu yidhi “Annaga oo ah Shirkadda dhismaha ee Barre Housing Firm waxaanu maanta Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ugu nimi Hooyo Nimco Miyir Xaaji oo saddex caaruura oo mataano ah Khamiistii todobaadkii hore ku umushay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, 3 mataano ahhooyadan oo ah hooyo dan yar ah oo waxba haysanin,waxaanu Shirkad ahaan ugu deeqnay lacag dhan $500 Dollar ILAAHAY dartii”. “Waxaan ugu baaqaynaa Ganacsatada iyo dhamaan dadka wax haystaa inay Hooyadan Saddexda Caruura ee Mataanaha ah ku umushay Cusbitaalka Hargeysa inay soo caawiyaan wixii karaankooda ah,maadama aynu ku jirno bishii Barakeysnayd ee Ramadaan oo loo baahan-yahay in la isku naxariisto oo weliba dadka jilicda san la caawiyo”.Ayuu Yidhi Cabdiraxmaan-Abtiyo. Hooyo Nimco Miyir Xaaji oo ay ka muuqatay nafqo-daro, isla markaana ah Hooyo dan yar oo aan waxba haysanin oo ninkeeduna uu yahay Reer miyi ayaa waxa uga mahad-celisay Shirkadda Dhismaha ee Barre Housing Firm deeqdan lacagta ah ee ay dar ILAAHAY igu soo caawiyeen, waxaanay ILAAHAY uga bariday halkii ay ka soo saareen inuu ILAAHAY mid ka baddan u geliyo “Way iga farxiyeen Shirkadda Dhismaha ee Barre Housing Firm, iyagaana siday iga farxiyeen ILAAHAY ha uga farxiyo.Waxaanan umadda reer Somaliland ka codsanayaa inay I soo caawiyaan ILAAHAY dartii waan yara xanuunsanayaa oo bilaa dhiig ayaan ahay ee isoo caawiya”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here