…. HALKAN KA AKHRI: Qeybta 6aad Ee Taxanaha Ku Suntan Horumarka Madaarka Hargeysa Uu Ku Tallaabsaday Cahdiga Xukuumadda KULMIYE……
Innaga oo wali ku guda jirna qaababkii hawleed iyo qorshayaashii loo asteeyey wax ka qabashada Xaaladda Amni ee Madaarka iyo sidii loo sugi lahaa Amniga diyaaradaha iyo rakaabkaba waxa si weyn isu kaashaday adeegyadii aan soo sheegnay qormadeenii hore ee wax lagaga qabanayay dhinaca sugidda amniga Madaarka. Adeegyada kale ee casriga ah ee heer caalami ee loo adeegsaday sugidda amniga waxa kale oo ka mid ah Kamaradaha ilaalada ah ee loo yaqaano (CCTV) kuwaasi oo ka mid ah aaladaha wakhtigan casriga ah laf-dhabarta u ah adeeggada sugidda dhinaca amniga iyada oo taasi Wasaaradda Duulistu ak duulaysa waxa ay markii ugu horraysay taariikhda Garoonka Cigaal ka hirgelisay in dhammaan Madaarka lagu rikibo Kamaradaha Ilaalada loo adeegsado oo lagula socdo dhammaan dhaqdhaqaaqa adeegyada ka dhex socda Madaarka iyo guud ahaan Kaamboolka uu ku fadhiyo Madaarku iyada oo kamaradahaasi xataa lagula socdo dhul aad u baaxad weyn oo ku gedaaman Madaarka. Kamaradahani waxa ay leeyihiin xarun macluumaadkooda lagu kaydiyo oo ay ka hawl-galaan shaqaale loo carbiyey oo ku xeel-dheer adeegsigooda.
Samaynta CCTV-ga iyo Isbadalka Amaan ee ay horseedeen
Mudadii Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi uu xilka Wasaaradda Duulista qabtay ee ay jirtay xukuumadda maanta talada haysa eee Madaxweyne Siilaanyo uu gadh-wadeenka ka yahay, waxa Madaarka caalamiga ah ee Cigaal lagu rakibay Qalabka CCTV-ga loo yaqaan ee ah Kamaradaha ammaanka Suga iyadoo ku dhawaad siddeetan kamaradood lagu xidhay dhamaan qaybaha kala duwan ee madaarka, isla markaana loo tababaray shaqaale gaadhaya 10 qof oo ka hawl gala, si toosana ula socda dhamaan qaybaha Madaarka iyo dhaqdhaqaaqa ka socda oo dhan.
Agaasimaha Waaxda Duulista ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Eng. Saciid Mahadi Ileeye (Saqiiro) ayaa sharaxaad ka bixiyey is badalka ay Kamaradaha CCTV ku sameeyeen nidaamka iyo xaaladda amaan ee Madaarka Cigaal waxaanu yidhi: “Madaarka oo aan barigii hore lahayn haba yaraatee wax CCTV Camera ah oo ah gaadh-haye aan shidaal iyo biyo toona kaa doonaynin oo 24-ka saacadood foojigan waxna aanay dhaafi Karin. Hadba markaan barigii hore dib ugu yara noqdo, waxaanu ku shaqayn jirnay gacanta, ama askari ayaanu meel dhigan jirnay, intii karaankayaga ah ayaanu ku shaqayn jirnay, haddaba dani waxay nagu kaliftay ama qoladan ICAO la yidhaa ee heerarka u xadida Diyaaradaha Dunida iyo Madaaradu inay shuruud nagaga dhigtay oo Diyaaraduhu marka ay doonayaan in ay yimaadaan waxa ay ku odhanayaan heerka amaankaagu waa maxay (Security Stander) dab-damiskaagu waa maxay, heerka bad-qabka (Safety Stander), maxaa madaarka u xayndaab ah, arrimo cayankaas ah ayey ku weydiinayaan, intaa haddii aan lagaa helin way ku adkaanaysaa si ay u yimaadaan,”
Eng. Siciid Mahdi oo arrintaasi ka sii hadlayaa waxa uu yidhi: “Maanta wax aanu diyaaradihii tusno oo aanu u bandhigno oo soo jiita ayaanu haysanaa, waxaa ka mid ah CCTV camera-rada waa kamarad furan maalin iyo habeen shaqaynaysa oo aan kaa doonaynin shidaal, waxaanu ku ilaalinanaa amaanka madaarka, sharciga, shaqaalaha Alaabta dhoofyaasha iyo soo degayaasha, oo haddii ay ka tagaan si loo helo cidda qaaday, markaa ammaanka wax weyn ayaa iska badalay oo halkii aanu dhigi jirnay 10 askari ama 20 askari dee laba kamaradood ayaa ku filan, dabadeed faa’iidadeedu waxa weeye in ICAO nagu aqoonsato heerka amaankaygu inuu sareeyo, xaga maamulkana wax weyn ayey ka tartay, xaga amaanka wax weyn ayey ka tartay, xaga sumcada madaarka wax weyn ayey ka tartay oo darajadiisii ayey kor u qaaday, qiimayanta ICAO ee madaakeenan Cigaal.” Ayuu yidhi Agaasime Saqiiro.
Dhammaan Hadaba arrimahaasi si da weyn looga qabtay Sugidda Amniga Madaarku waxa ay keentay in khubaro, hay’ado iyo daneeyayaasha Duulimaadyadu si weyn ugu qancaan uuna soo jiito adeegga Amni ee laga qabtay Madaarka Cigaal International Airport.
Darajada Amaanka ee Qiimayna Hay’adda ICAO
“Maanta waxaa amaanka aynu soo sheegnay ee aanu suuro galinay oo ay saxday Hay’adda Qaramada midoobay u qaabisan Duulimaadyada iyo madaarada ee ICAO darajada madaarkana kor ugu qaaday anaga oo ka soo bilawnay meel hoose, oo iminka madaarkeenu waxa uu marayaa Darajada sagaalad (Category 9), waxa aaanu hiigsanayaa darajada ka sii saraysay Insha ALLAH.” Sidaa waxa yidhi Agaasime Siciid Mahdi.
La Soco.,….