Waxaa si rasmi ah u xidhmay laguna kala kacay wada hadaladii lagu waday in ay ka qabsoomaan dalka Turkey-ga halkaas oo ay ku wada hadlayeen labada dal ee Somliland iyo Soomaliya
Joojinta shirkaas ayaa sababtiisu tahay kadib markii dhinaca Soomaliya ay jabiyeen qodobo kamida kuwii horay loogu heshiiyey , waftigii Somaliland ka socdayna aanu si rasmi ah u shaacinay in wax wada hadal ah aanu la geli doonin xukuumad aan dhawrayn qodobada lagu heshiiyo.
Masuuliyada kala kaca shirkaasna waxaa si aan lala wadaagin dusha u saaranaya xukuumadda Soomaliya oo ku sifaysan mid aanan dhawrayn qodobadii la isku ogaa isla markaana wada hadalada ku soo dartay 5 xubnood oo dhalasho ahaan Somaliland kasoo jeeda balse shaqo ahaan u jooga Xamar!
Xukuumada Somaliland oo ku kalsoon shacabkeeda isla markaana kaashanaysa Allaha Awooda badan waxay caalamka u sheegaysa in dalka Somaliland yahay dal dimuquraadi ah oo bulshadu codkeeda ku doorato dawlad ka kooban Madaxweyne, Ku Xigeen, iyo Goleyaal Qaran iyo sidoo kale Xisbiyo ku Metala Siyaasadda, mana jirto cid ay Soomaliya u dirteen oo magaca Somaliland ku metali karta,mana aqbalayno in dadkayaga loo isticmaalo wada hadalada u dhexeeya labada dal.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Wasiirka madaxtooyada somaliland
Mudane:Xirsi Xaaji Cali Xasan