“Waxaan Aad Uga Xumahay In [Xayiraadda Safarkaygu] Ahayd Jidgoyn Anigoo Saaka [Shalay] Doonayay Inaan Dalka Ka Dhoofo oo Ku Sii Jeeda Nairobi”
Wargeyska HUBAAL Oo Ay U Suurto Gashay In Uu Helo Nuqul Ka Mid Ah Sawirrada Baasaaboorka Uu Sitay Siyaasigani Oo Ay Noociisa Sharciyad Mamnuucaysaa Dalka Ka Taallo
Hargaysa (Hubaal)- Ciidammada Taliska hay’adda Socdaalka Somaliland ayaa shalay madaarka magaallada Hargeysa ka hor istaagay in uu ka dhoofo siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ka tirsan musdambeedka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kadib markii xafiiska taliskaasi kuleeyahay madaarku ay baadhitaan ku sameeyeen Mr. Buubaa kaga war heleen in uu ku dhoofayo baasaaboorka casaanka midabkiisu yahay ee dalka Soomaaliya laga bixiyo kaasi oo cidda la siiyo uu dalkaasi u aqoon san yahay dublamaasiyiin ka tirsan dawladooda. Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa laga horjoogsaday safar uu shalay ugu duuli lahaa wadanka Kenya oouu sheegay in uu hawlo gaar ah ugu socdaalayay, waxaana markii baasaaboorkiisa la ogaaday in uu yahay nooca Diplomatic-ka ah oo kamid ah baasaaboorrada dalkaas laga bixiyo ee khaasatan mamnuuca ka ah dalkan Somaliland waxaa ciidammada Socdaalku amar ku bixiyeen in aanu ka bixi Karin xayndaabka madaarka isla markaana aanu raaci Karin duulimaadka diyaaradda u qorsheysnayd in uu fuulo, waxaana markii dembe dib loogu soo celiyey magaallada.
Muxuu Mr. Buubaa Ka Yidhii Xayiraadda Safarkiisa La saaray?
Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa dhinaciisa ka hadlay sida uu u arko xayiraada safarkiisa la saaray waxaanu ku dooday in uu ahaa jidgoyn ay dawladda Somaliland u gashay isaga oo sheegay in uu ahaa safar caadi ah oo uu ugukicitimi lahaa wadanka Kenya, Hase ahaatee marnaba kama uu hadal dooda ay ciidammada laanta socdaalku u cuskadeen xayiraadiisa ooahayd in uu sito baasaaboor mamnuuc ka ah dalka “waxa Aan u arkaa arrinkaasi [xayiraada safarka] mid jid-gooyo ah oon aan aad uga xumay saaka [shalay] waxaana doonayay inaan dalka ka dhoofo aniga oo ku siijeeda magaalada Nairobi oo hawlo aniga ii gaar ah aan u tagayay”. Sidaasi Ayuu Mr. Buubaa Yidhi mar ay shabakadda Hadhwanaagnews oo aanu warkan kasoo xiganay wax ka weydiisay amarka lagu soo celiyey, waxaana uu intaa ku daray “ Waxaan leeyahay arrintaasi waamid aan munaasib ahayn in ay ihor istaagaan ciidamamdalaanta socdaalka ee Madaarka Hargeysi”.
Ismaaciil mar la su’aalay sababta loogu diiday in uu dalka ka dhoofaa halka ay ku qotonto iyo wax loo cuskaday muu cadayn sababta loo daliishaday marka laga tegi waayo dood odhanaysa in baasaaboorka uu ku safrayay oo ah nooca soomaaliga ay sitaan masuuliyiinta Somaliland, taas oo uu sheegay in uu umalaynayo in lagu qoosaday isaga, hase ahaatee muu sheegin nooca uu baasaaboorkiisu yahay.
Dhinaca kale mar aanu isku daynay inaanu waxa ka waydiinayo taliyaha laanta socdaalka Somaliland sababta keentay in ciidankiisu diidaan inuu dalka ka baxo siyaasi ismaaciil hurre ayaanay noo suuro galin taliyaha ciidanka inaanu helno oo naloo sheegay in uu safar xuduudaha dalka kumarayo uu ku gudo jiro.
Hase ahaatee daba gal uu wargeyska HUBAAL xalay arrinta Ismaaciil Buubaa ku sameeyey iyo xidhiidho kala duwan oo aanu la samaynay meelo kala duwan waxaa noo suurto gashay in aanu soo helno nuqul kamid ah sawirkab baasaboorka uu sito Siyaasi Buubaa oo ah Soomaali weliba nocoa Diplomatic-ka ah.