Washington(Hubaal)-FBI-da Maraykanka, ayaa baahisay Sawirrada Shakhsiyaad la sheegay inay kamid yihiin Kooxda Al-shabaab, kuwaas baadi doon loogu jiro.
Sawirradan ayaa la baahiyey kadib markii ay Kooxda Al-shabaab faafisay Muuqaal reer Galbeedku ka cabsooday oo ay ku sheegayaan weerarro lagu qaado xarumo Yuhuuddu ku leedahay Dalal kala duwan.
Saraakiisha Mareykanku waxay sheegeen in handadaada Alshabaab aanay dhayalsanaynin ayna ku dedaali doonaan inay adkeeyaan amniga xarumaha laga dukaameysto khaasatan mgaalooyinka Soomaalidu ku badan tahay sida Minneapolis.
Sawirrada shakhsiyaadkan haatan la baahiyey, ayaa iskugu jira Somalia iyo dadka oo kale oo dalal kala duwan kasoo jeeda, waxana la filayaa inay xubno ka yihiin Saraakiisha sare ee soo abaabula ama qorsheeya weerrarada lagu qaado Goobaha Muhiimka.
source:himilomedia