Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo , ayaa Booqasho ku tegay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Madaxweynaha oo ka degay Madaarka Diyaaradaha ee Berbera, ayaa wuxuu xadhiga ka jaray Mashaariic lagu kordhiyey Madaarkaas, gaar ahaan Terminal-da, Mashruucaasoo ay maal-gelisay Dawladda Kuwait.
Bulshada ayaa isweydiinaya, “Madaxweynuhu ma wuxuu u awoodi waayay inuu dhulka maro, sababo caafimaad dartood, mise sababo nabad-gelyo. labadaas duruufood hadii aanay midkood ku khasbin inuu hawada ku safro, qaybo ka mida Bulshada, ayaa aaminsan inay jirto wado xumo inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, wallow aan la dafirin karin in dib dhis lagu wado Jidka isku xidha labada Magaallo, taasoo sahashay safarka wadada Laamigaa. waxaanay dadk aadka uga doodaya tilmamayaan inay Kibir iyo ka badbaadin ku tahay Qaranka iyo Masuuliyada uu umada u hayo. Illo wareedyo Gobanimonews heshay , ayaa sheegaya inay Diyaarada Madaxweynuhu ahayd mid gaar ah oo loo kireeyey.
Siyaasiyiinta Dhaliila siyaasada Madaxweyne Siilaanyo, ayaan inta badan ku xaman dabeecad Musuqmaasuq, balse waxa lagu dhaliilaa inaanu lahayn hogaamin hufan iyo go’aan qaadasho Madaxweyne.
Sidaasoo ay tahay, hadana talaabadan uu Maanta Diyaaradaha ugu kala safray laba Magaallo oo isu jira Masaafo cel-celis ahaan gaadhaysa 160KM an, ayaa dareen ahaan ay si weyn uga biyo diideen Taageerayaasha iyo kuwa dhaliilaaba, waa Madaxweynihii u horeeyay ee Hawada ugu kala safra Hargeysa iyo Berbera.