Hargeysa(Hubaal)-Xubnaha Xildhibaanada Muxaafidka ah ee katirsan Golaha Wakiilada ayaa, la sheegay inay kulan ku yeesheen caawa Guriga uu Magaalada Hargeysa ka degan yahey Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan-Saylici islamarkaana, ay kulankaasi,oo ay isula qaateen in Xubnaha Komishanka Cusub laga hakiyo fadhigii lagu ansixin lahaa Maalinta Axada ah ee Bari oo lagaga baajiyo islamarkaana, Xildhibaanada Muxaafidka ahna lagu Wargaliyo in Goluhu Fasixiisii kujirayo ee aan kooramka Fadhiga la buuxinin.
Sida ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola,kulanka ay Xubnaha Xildhibaanada Muxaafidka ahi ku yeesheen Guriga Cabdiraxmaan-Saylici(Kuxigeenka-Madaxweynaha) ayaa, daboolka ka qaadey in lagu koobay nuxurka go,aanada kasoo baxey kulankaasi in Xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka ku wargaliyaan sidii ay uga hakin lahaayeen fadhiga loo balamay ee lagu ansixin lahaa
Maalinta Axada Barito,talaabadan oo dabar ku noqoneysa hadii ay dhacdo in ay fariintan in ay qaataan Xubnaha Komishanka Cusubi in ay dhacdo inaan kalsooni ay dhinacyada Axsaabta kale ee Mucaaridku ku qabi karaan dhexdhexaadnimadii laga filayay iyo waliba howsha loo qaatey oo ah mid qaran oo culus, ilaa iyo hada lama oga in Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee katirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye siwadajir ah u qaateen Go,aankan iyo inkale haseyeeshee, waxa ay wararka ka ag dhawaa kulankooda maantu tibaaxeen, in xubno kamid ah Xildhibaanada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiilada katirsani si gooniya iyagu dabada uga riixayaan arintan iyo kuwa kale oo ku lamaan go,aanada kasoo baxey kulankoodan.
Dhinaca kale wali lama xaqiijin in ay Xubnaha Komishanka Cusub ee Doorashooyinka Qaranku ka aqbalayaan Xubnaha Muxaafidka ah ee Golaha Wakiilada go,aanadan ay ku gaadheen kulankoodii maanta ay ku yeesheen Guriga Madaxweyne Kuxigeenka,waxaana la eegi doonaa talaabada ay ka qaataan maalinta Barito ee loo balansan yahey in Golaha Wakiiladu ay ansixiyaan Xubnaha Komishanka Cusub ee loo soo xulay Maamulka iyo Garsoorida Doorashooyinka kusoo socda dalka Somaliland gaar ahaana, Doorashada 2015ka oo la qorsheeyay in la qabto Doorashadii Madaxtooyada iyo Tii Golaha Wakiilada,iyadoo hadii ay talaabadani meel marto muuqata in ay caqabad adag ku tahey Doorashooyinku in ay dalka ka qabsoomayaan inkastoo ay indhawaale jiraan in dhinaca Dadweynaha ay ka go,an tahey in la qabto Doorashada maadaama, maalmihii u dambeeyay ee Bishan Oktoobar iyo intii ka horeyseyba aad looga dareemayo dhinaca Bulshada isa shaacinta Murashaxiinta damacu kaga jiro tartanka Doorashada Golaha Wakiilada oo saametyn culus leh.
xigasho: hadhwanaagnews