Dalalka Reer Galbeedka Waxay Wadamada Islaamka Ku Hayaan Duulaan Wejiyo Badan Leh‏

0
72

Duulaanka dhaqanka iyo saxaafadda

Dadka muslimiintu waxay leeyihiin diin iyo dhaqan soo jireen ah. kaas oo ku dhisan diinteena islaamka. cumar axmed

Sida iska cad dadka muslimiinta waxa lagu soo qaaday dagaal saxaafadeed  ama qaybta media-yaha waad aragteen sida dhalinyaradeenii looga badalay dhaqankoodii suubanaa iyo sarreyntoodii muuminimo ee Eebbe raalida ka ahaa,waxayna maskax ahaan u haajireen,inay ku daydaan dadkii aan caqiidada wanaagsan iyo qawaaniinta samaawiga ah ku tiirsanayn.

Sideedabana dadka muslimiinta iyo dadka aan muslimka ahayn,qawaaniin ahaan,si uma wada dhaqmi karaan,muslimiintu dhinaca shuruucda waxaynu leeyihiin,axkaam shareeca islaamka la yidhaahdo iyo  manhaj ay waajib inagu tahay in aynu raacno, kaas oo ah kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo axadiista nibigeenii suubanaa scw ku qotoma, kuwaas ayaana  inoo manhaj ah.

Hadaba dhalinyarada muslimiinta ah, wiilal iyo gabdhaba waxa laga rabaa in ay ku  daydaan culimadii hore ee islaamka ama Shaqsiyaadka ay ku dayanayaan waa inuu ahaadaan,dadka muslimiinta kuwoodii taariikhda fiican lahaa ama imikaba leh. laakiin taa badalkeeda waxay ku daydaan dhalinyarada gaalada ah siday u talaabsadaan, siday u xiirtaan, siday u labistaan iyo siday u dhaqmayaan intaaba waxay ka daawadaan shaashadaha tv-yada iyo bogogga internet-ka kuwa ay dhaqanka ka daawanayaanna waa dhalinyaro aan muslim ahayn dhaqan iyo akhlaaq foolxunna gudbinaya.Iyagaana maanta dhalinyaradeena macalimiin u ah.

Weliba wakhtigan dhalinteenii waxaad moodaa,inay si fiican ugu foogan yihiin,una hiigsanayaan dhaqamada reer galbeedka ee ay ka daawadaan filimada iyo  cajaladaha maqalka iyo muuqaalka ah, ee inta badan  fool xumooyinka ama fawaaxishta ah,kuwaasoo ay da’yarteenu ka  daawadaan bogogga internet-ka.

Waxa halkaa kasoo socdaana waa dhaqankii iyo akhlaaqdii oo inaga fasahaadaya, haddii aynaan qorshe cad iyo istaraatijiyad ka yeelan arrimahaa diinteena iyo  qiyamkeena ka soo horjeeda ee  aan sal iyo raadtoona ku lahaynin.  waxay ina dhaxalsiin doontaa, waxaynaan ma hadindoon.

Duulaanka Saxaafadda ee Xorriyaadka bilaa Xuduudda ah

Mushkilada kale ee jirtaa waxa weeyaan, sida dhaliisha loo sheegayo mid shaqsi,mid dawladeed ama mid ummadeed kuu doonaba ha ahaadee. Waa sax diiniyan,in loo tilmaamo ciddii wax ka qaloocdeen oo loo nasteexeeyo. Laakiin ummadda muslimka ah  iyo dadka aan muslimka ahayn, waxay ku kala duwan yihiin, siday wax u sheegayaan.

Waayo diinta islaamku ma ogola, in dadka sharaftooda iyo nasabkooda caydeeda la xalaashado, sidii la doonana wax looga sheego. waxaa laynaga doonayaa, markay wax qaloocdaan,in aynu uga fal celino, si diinteena, dhaqankeena iyo asluubta islaamka waafaqsan.Haddiise aynu ku milanno,nidaamka xooriyaadka diin laawayaashu jideeyeen,  ee afkaaraha bilaa xuduudda ah ee lagu faafiyo,ee ay mujtamaca reer galbeedku ku dhaqmaan,haddii wax isugu sheegista habkaas ku dhisan,kusii socono ama aan ku talaxtagto,waxaynu ku dhici doonaa,god madow oo aynaan mahadin if iyo aakhirotoona.

Duulaanka shuruucda 

Bulsha  kasta oo  meel ku nooli  kama maaranto  sharci ay ku kala hogmaan. Haddii taa lawaayana  waxa  xigaa waa  ayadoo  laysku  awood sheegto. Cidkastaana ciddii ay ka xoog roonaato u aabo  yeeli waydo.  Hadaba  Illaahay waxa  uu  ummaddiisa u soo dajiyay sharci  ay isku xukumaan oo ay ku kala baxaan waana Diinteena wanaagsan ee  samaawiga  ah.

 Rabbi waxa uu inaga doonayaa,  in aynu  ka tagno  qawaaniinta reer galbeedka xukun keenuna dhamaantii ahaado xukun islaami ah.  waxaynu in badan aragnaa iyadoo ajaaniib reer galbeed ahi maxakabadaheena siminaaro iyo shirar u qabanayaan kuwaas  oo leh waxaanu idinka taageeraynaa xaga cadaalada iyo garsoorka. Su’aashu waxay tahay, ma  isku garsoor baynu nahay? Ma dadkii muslimiinta ahaa ee u sheegi lahaa, xaqa  iyo  xukunka  dadka kale ee aan rumayn diinta islaamka ayaa iyagii labarayaa sidii ay  isku xukumi lahaayeen? Waa nasiib daro

Diinteenu waxay odhanaysaa,qofkii wax ku xukuma wax aan  shareecada islaamka ahayn,waa daalim,waa faasiq iyo waa kaafir,sidaas awgeed,waxa la gudboon madaxda dalalka muslimka ahi, inay Eebbe u hoggaansamaan oo ay amarkiisa qaataan,shucuubtoodana ay diinta  ay  aaminsan yihiin iyo caqiidadooda islaamka ah ay ku xukumaan. Lasoco qayb danbe by Cumar Axmed Cali: Hargeisa; tel; 0634244802

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here