Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo Aqoonsi Ay Somaliland Ka Hesho Caalamka Ku Macneeyay Guul Ummadda Soomaaliyeed Usoo Hoyatay
Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa si weyn u taageeray aqoonsi ay somaliland ka hesho caalamka. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey boggaga uu ku leeyahay Facebook iyo Twitter waxa uu ku sheegay in dadka soomaalida ah ay guul u tahay in la aqoonsado somaliland, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-
“Walaaleheen Somaliland inay dunida la macaamilaan kana helaan aqoonsi aad baannu ugu faraxsanahay, dal kale oo somaliyeed oo dunida laga aqoonsan yahay Guul weyn ayay u tahay umada somaliyeed”
Xafiiska madaxweynaha
Somali State
Mustafe Mohumed Omer
(mustafe cagjar)