Dahab Aad Ku Iibsato Caafimaad-W/Q: Maxamed Faarax Qoti

0
88

Wuxuu  ahaa fikir saliim ah oo ku cusub dunida inteeda kale, oo ahaa badbaado iyo guul u soo hoyatay  dhamaan bulshada Somaliland,  waa mid  kaasoo ka soo maaxday  Madax-weyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ee talada dalka u haya majaraha siyaasadda,   markuu gundhiga ugaga dhiga  hawl-gacmeed hal-kudhegeedu ahaa  maalinta Ollalaha Nadaafada Qashinka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland, in lagu xuso maalinta caafimaadka aduunka  ee 7/April/2015.

Haddaba Marka la barbar dhigo xuska hal-kudhega maalinta caafimaadka aduunka 7/April/2015 ee  halku-dhegiisu ahaa,  (From Farm to Plate, Make Food Safe’)  oo macnaheedu uu yahay, Beerta  Illaa iyo saxanka cuntada ka dhig amaan iyo  halku-dhegeenii ahaa maalinta  Ollalaha Nadaafada Qashinka Qaranka, kaasoo ahaa  mid ku dhisan caqli iyo garaad siyaasaddeed,  marka aynu eegno  wadamada aduunka intooda badan, waa kuwo awood dhaqaale  u leh habka maareynta  khashinka, iyagoo u isticmaala khashinka dib u warshadeyn , isla markaana  ay dib ugaga faa’ideystaan khashinkii  la tuuri lahaa, taasoo ka mid ah tiir ka mid ah tiirarka kobaca kaabayaasha dhaqaalaha wadamada hore-umaray.

balse haddana kama maqna in la qaato hadba  xaalada  waxyeelooyinka caafimaadka bulshada ee ka jira wadamadooda, maadaama ay yihiin intooda badani kuwo ka qayb-qaata  dhinaca dhaqaalaha mucaawimadda caafimaadka  loogu deeqo wadamada saboolka ah ee soo koraya,  waxaynu odhan karnaa  xukumaddu  waxay  qiimeysay xaalada waxyeelooyinka caafimaad bulsheed  ee ka jira  Somaliland, taasoo si mug leh ay ugaga qayb-qaateen in ka badan boqolaal – kun oo ka mid Ciidamada qaranka, shaqaalaha wasaaraddaha , dowladaha hoose, shirkada maareynta Qashinka, oo ay wehelinayaan  gaadiidka-qaada Qashinka oo tiro badan.

Waxaana suura galisay in lagaga ururiyo lana qaado qashin xadigiisu uu ahaa in ka badan 100 Tons oo qashin ah dhamaan magaalooyinka iyo degmooyinka dalka ay ahayd  Maskax, Muruq, iyo dhaqaale, sidoo kale taas marka la barbar dhigo kharashka ku bixi lahaa halku-dhega,   Beerta  Illaa iyo saxanka cuntada ka dhig amaan (From Farm to Plate, Make Food Safe’)  qadar lacag ah oo dhan 500$ oo dollarka mareynkanka ah  in lagu qabto Xuska xaflada maalintaas oo qudha.

Tani waxay ina baraysaa  ama ay ina tusinaysaa habka loo kala doorto mushkiladdaha ( Mushkilada weyn iyo Mushkilada yar)   waana ta ay Somaliland halku-dhega ugaga dhigatay maalinta caafimaadka aduunka 7/April /2015  Ollolahan nadaafadeed ee  qashinka lagaga nadiifinayey dhamaan dalka oo idil.

Dahab aad ku iibsato  caafimaadkaaga,  yaanu xanuunku kaa  kharash gareynin,  ee  ku dadaal dhinaca nadaafada ,  qashinku intuu kuu jiro ayuu cudurkuna kuu jiraa,  sababtoo ah sida aynu wada-ogsoonahay sababaha ugu waaweyn ee cudurada ka dhalan kara Qashinka iyo cuntadaba  ay yihiin, :- Bakteeriyadda, Fayraska, Nooleyaasha, kimikooyinka (kuwa dabiiciga ah iyo kuwa sameyska ah) iyo noolaha illimaqabatiga ah.

Maxamed Faarax Qoti

Madaxa Isgaadhsiinta Dhamaan Adeegyada Caafimaadka Aassaassiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here