“Dagta Qaran Badh lagu sido, Badhna Reerka Soo dagay Yahay Reerka Dabayaal, Haduu Kaaga Jiro Damac, Mid Horaa Ku Dumay Shalay”….!

0
71

Qalinkii Mohamed Gacayte

Maalmo ka hor ayay ahayd markii aan arkay Guddi uu Magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, Waa raxan wasiiro ah oo magaca ay sitaana yahay (Giddida Isku Socodka Somaliland iyo Somalia), Waxa aan is waydiiyay su,aalo badan tolow shaqadoodu waa maxay? Waa maxay danta xukuumada ugu jirta inay sameyso wasiiro ka shaqeeya isku socodka  labada dal? Anoo taa la yaaban ayuu xalay madaxweynahu magacaabay La Taliyaha Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia….!

Waa shay caadi ah in bulshada rayidka ahi u kala gudbi karto laba dal kana talaabi karto xuduudaha u dhaxeeya labo wadan oo daris ah, iyadoo ay taasi jirto hadana Shacabka Somaliland iyo shacabka Somalia waa dad walaalo ah waa laba dal oo Daris ah, waxa ka dhexeeya iswaydaarsi  Ganacs iyo isku socodka bulshada rayidka ah caadiga ah. Dastuurka Somaliland waxa kaliya ee uu ka mamnuucay tagitaanka Somalia kaliya waa Masuuliyiinta Dawlada Somaliland ama shakhsiyaadka Siyaasiyiinta Caanka ah ee reer Somaliland. Hadaba aragtidayda kooxdan wasiirada ah ee loo magacaabay isku socodka labada dal waa arin Siyaasi ah oo wadada u furaysa in siyaasiyiinta ka tirsan xukuumadu tagi karaan Somalia iyadoo gabood fal laga dhianayo isku socodka dadka, waa talaabo hor leh oo muujinaysa sida ay Xukuumada Siilaanyo ugu heelan tahay midnimo ee ay maalinba maalinta ka danbaysa ku sii siqaysa nidaamka federalka ah, sida aan qabo arinkani waa qorshe lagu mijo xaabinayo  qaranimada gooni isu taaga Somaliland,  xikmad somaliyeed ayaa ahayd  “Ninbaa yidhi waxaan ku garanayaa inaan waalanahay dadkoo dhanbaa isoo eega”.

Waxa kale oo jirta iyadoo dawladeenu joojisay wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, in xalay Madaxweynahu magacaabay la taliye cusub oo arimaha wada hadalada u qaabilsan. Waxa maanta muuqata in xukuumada Siilaanyo ay madmadow galisay qadiyadii iyo madaxbanaanidii Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa Shacabka Reer Somaliland inay indhahood furan oo ka feejignaadaan shir qoolada ay wado xukuumadan waqtigeedii dhamaaday ee aan Mandate ka u haysan ka talinta masiirka umada, waxa kaliya ee laga rabaa waa inay dalkan gaadhsiiso doorasho xor ah oo xalaal ah. Madaxweyne Siilaanyo waxa laga rabaa inuu shacabka Somaliland u cadeeyo mawqifka uu ka taaganyahay Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ee xukuumadiisu joojisay?.

Waxa maanta muuqata in habmaamulkii xukuumadu lumay oo awoodahii hay’addaha dawladu ay noqdeen qaar dhutinaya oo aan wax kala soocayaa jirin shaqadii ay qaranka u hayeen masuuliyiintu xukuumadu, wax banaan usoo baxday kala daadsanaanta maamul iyo kala maroorsiga awoodaha dawlada ayaa ah waxa lagu kala sareeyo, waxaanad arkaysaa masuul xukumaya masuul ay isku awood yihiin ama wasiir wasiir xukuma, wixii arbixino ah isaguu u gudbiyaa halkii uu ka siin lahaa madaxweynahii magacaabay, waxa is waydiin leh xagey ka keeneen awoodaha dheeraadka ah ee uu isticmaalayo?. Waxa hubaal ah in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo uu ragaadiyay maamul xumo ku habsatay oo ka timid xaga sare, awoodahii dawlada ay gacanta u galeen shakhsiyaad aan dan ka lahayn dhibaatooyinka shacabku la daalaadhacayaan ee cid ka naxaysaa aanay jirin, xukuumadii ay codkooda ku doorteena noqotay gofonayaal dhiig miirato ah oo ku mamay boobka hantida  umada. Nolosha bulshada danyarta ahi waa mid sii adkaanaysa maalinba maalinta kadanaysa, duruufaha adag iyo waayaha ay la nool yihiin waxa kamid ah sare u kaca sicir barar maceeshada, Qiimaha sarifka Dollarka oo halkii ugu saraysa maraya, hoos udhaca qiimaha lacagta Somaliland oo dhibaato ku ah shacabka iyo shaqaalaha dawlada ee mushaharka ku qaata shilling ka Somaliland.

Nasiib daradu waxay tahay in xukuumada maanta jirtaa sabab u tahay nolosha bulshada rayid ka ah ee sii adkaanaysa dhibaatooyinkii intooda badana ay keentay halkii laga sugayay inay daryeesho oo ay wax ka qabato caqabadaha ku gadaaman hab nololeedka bulshada danyarta ah ee reer Somaliland. Dalku maanta waxa uu u baahan yahay is bedel dhab ah, waxa uu u baahan yahay gurmad, Maanso uu lahaa AHN. Abwaan Gaariyea ayaa waxa ku jiray:- “Waxa girgir qaanso sudhan, Warkaba aan gaabiyee, Ragii go,ay wuxuu u go,ay” Somaliland waxay u baahantahay badbaadin Qaranimo mar haddii maanta madmadow lagaliyay Qadiyadii iyo Gooni Isu Taagii Jamhuuriyada Somaliland.

Alaa Mahad Leh

Mohamed Adan Gacayte

Falanqeeya arimaha bulshada iyo siyaasada

Hargeisa/Somaliland

Gacayte09@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here