Dagaalkii tuka-raq oo dib usoo laba kacleeyay

0
19

Wararka maanta kasoo baxaya deegaanka Tuka-raq ee ay ciidamada qaranka Somaliland fadhiyaan ayaa sheegaya in dagaal uu dib uga qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidammada Somaliland iyo ciidammada Puntland.

Ilaa hadda lama ogo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq.

Taliyaha guud ee ciidammada militariga Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa BBC-da u sheegay in dagaal u dhexeeyo ciidammada Somaliland iyo Kuwa Puntland uu subaxnimadii saaka ku dhexmaray aagga ay ciidamadu fadhiyaan ee Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland inay weerar kusoo qaadeen saldhigyada ay ciidankoodu halkaas ku lahaayeen xilli ay difaac ku jireen, waa sida uu hadalka u dhigay e’

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidammada Somaliland ay aroornimadii saaka dagaal ku qaadeen ciidanka Puntland ee joogay Tuka-raq islamarkaaasna mas’uuliyadda weerarkaasi ay dusha u ridanayso Somaliland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in duullaan uu uga imaanayo dhanka Hargeysa balse ay iska difacaayaan, waa sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo lagu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here