Guumays:(Hubaal)-Xiisad Colaadeed oo Sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacday habeen hore tuullada Guumeys oo 90-KM Waqooyi kaga xigta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Rabshadan oo ay ku dhinteen laba nin inta la ogyahay ayaa waxaa ku dhaawacmay dad aan tiradooda la hubin, balse loo badinayo Afar ruux oo midi ay ahayd qof dumar ah. Goob-jooge ku sugan tuulada Guumeys ayaa u sheegay warbaahinta in waqtigii Afurka ay ka war-heleen rasaas dhacaysa, kadibna uu arkay laba meyd ah iyo dad dhaawac ah, waxaanu intaa ku daray inaanu sheegi karin meesha ay salka ku hayso. Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Yagoori oo ay tuulladani ka tirsan tahay, Iidle ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in dhibaatadaas dhacday ayna gaadheen ciidamo millateri iyo boolis isugu jira; kuwaasoo isku dayaya sidii aanay wax dambe u dhici lahayn. Dhinacyada ay dirirtu u dhexeyso ayaa kala dega Guumey iyo Oog oo isku jira wax ka yar 20-km. Marar badan Colaado Aanooyin ka billaabma ayaa dhinacyadan dhex-mari jiray, waana tan ay u badinayaan dadka intiisa badan iyadoo labada dhintay iyo dadka dhaawaca ah ay kasoo jeedaan deegaanka Oog. Ugu dambeyn, deegaannada ay colaaddu ka dhex-billaabantay ayaa wada ciidan urursi iyadoo xilligan ay dadka reer guuraaga ahi si aad ah isugu dhex-jiraan, taasoo sababi karta inay dhacaan colaado khasaare badan geysta.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhex Qarxay Beello Wada Dega Deegaanka Guumays