Dadkan Yaa Qabiilkiyo Qol-Qolada Baray !! Qaybtii 1aad

0
34

(Faallo Kooban oo Kusaabsan Is Barbardhiga Qaranimada Asaaskeedii iyo Shacabka aan Dareensanayn waxay tahay Qarannimo) Qoraa Hamse Bashe Muhumed Shaadhey, BBA-Accounting And Finance, Hargeysa-Somaliland.xamse baashe

Hordhac:-

Qaranku waa ummad is bahaysatay oo leh astaamo ay ku heshiiyeen isla markaana, ay ka dhexeeyaan Dalka, beri iyo baddihiisuba, Sidoo kale Dadka cilmi baadhista sameeyey waxay Qaran u adeegsadeen in uu yahay meel dawladu,lacag, ciidan u gaarah iyo basaaboor leh.

Aniguna waxaan Qaran u aqaanaa in uu ayaha Dal dhisan, leh Bulsho isku tiirsan,Isla markaana Leh maamul ku hogaamiya Waddada Horumarka ee Saxdda ah, isla markaana bulshada qarankaasi ay ku kalsoon yihiin Maddaxdooda.

Laga soo bilaabo 1991, Wakhtigaas oo guulo waaweyn ay ka gaadhiin ciidamadii mayalka adkaa ee SNM, keligii taliyihii, dantiisa u shaqaysta ahaa ee Siyaad Barre, Isla markaana ay ku dhawaaqeen In Jamhuuriyada Somaliland dib ulasoo noqotay madax banaanideedii luntay 1960 kii, ilaan maanta oo ay taariikhdu tahay 2015, waxaa dalka iskaga dambeeyey dawlado iyo madaxweynayaal kala duwan, Isla markaana Madaxweyne kasta wax uu dalka ku soo kordhinaayey, kuwa ugu mihiimsan ee Kaabayaasha Bulshada, si bulshadu u noqoto kuwo u bisil qaranimada isla markaana Daneeya, dalkooda, u yeesha fiiro gaar ah, Isla markaana Barri ilaa Galbeed, Waqooyi ilaa Koonfur bulshada dalka ku dhaqani u noqon lahaayeen kuwo Isku fikir xambaarsan ila markaana leh hami iyo ididiilo isku meel ku biyo shubanaysa, Taas oo ah mid lugu yaraynaayo qabyaalada iyo qolqolada, waxaa Qaar kamid ah Degmooyinkii iyo Xaafadihii magaalada Hargeysa la iskugu bedelay magacyadii ay lahaayeen si Dadku iskugu milmaan isla markaana, kalaqoqobnaan bulsheed aanay dhicin, Halka Maamul kasta oo dalka soo maraa uu Sameeynaayey isku dhexdhafid Xubnihiisa dawlada oo ka kooban reer kasta oo dega inta ay Somaliland xuduudkeeda ku dhex jira.

Somaliland MapSL_clan_map

Kani waa jaantuus ku tusinaaya inta baaxada iyo magacyada gobolada iyo degmooyinka ee dalka, waana halka qudha ee laga laga dab qaato marka la samaynayo qorshayaal siyaasadeed, Taas oo Maddax kasta oo Dalka soo Martay, inta ay fiiriyaan Gobolada iyo degmooyinka dejiya, saami qaybsi buuxa oo ah dhamaan gobolada.

Qaybta labaad ee Faalladan waxaanu hoos ugu daadegi doonaa ujeedada uu xambaarsanyahay Faaqidaadan, iyo indho indhaynta, taas oo aanu ku tilmaami doono in bulshadu aanay ahayn shacab u jajaban Qaranimada, isla markaana qaranimadoodii ay ka doortaan Qabiil iyo qabyaalad, Halka ay Maddaxdiina noqodeen kuwo ku milmay Siyaasadaas Qoqobnaanta ah.

La soco Q2aad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here