DAAWO VIDEO-gan Oo Ku Saabsan Hadallo Is Burinaya Oo Ku Saabsan Wasiirka Ciyaaraha Oo Dafirsan War Ku Saabsan In Isu-socodka Somaliland iyo Jabuuti u Xidhmay Cashuuro Xuukumaddu ku soo Rogtay Iyo Saamaynta a lacagta cashuurta ah ku yeelatay dadka safarka ah
Hargeysa (Hubaal)- Masuuliyiin ka tirsan dalwadda Somaliland, ayaa shaaciyey in isu-socodka xuduudka dalku la wadaago Jabuuti uu xidhmay kadib markii cashuur fara badan oo lagu soo rogay dadka socotada ah.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaradaha Somaliland Md.Axmed Cabdi Kaahin iyo xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) oo ka tirsan Golaha Guurtida oo labadooduba ka soo jeeda deegaannada Gobolka Salal ee xeebta galbeed ee dalka, ayaa sheegay in lacag dhan $30 doollar ah oo xukuumadda Somaliland ku soo rogtay inuu bixiyo qofkii ka gudbaya xuduudka labada dal ee magaalada Lawyo-caddo ay sababtay inay ku adkaatay dadka shacabka ah, isla markaana arrintaasi hoos-u-dhac ku keentay socodkii ganacsiga iyo dhaqaaqii labada dhinacba.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin oo toddobaadkan ka soo laabtay dalka Jabuuti, soona maray xuduudka labada dal, ayaa waraysi uu siiyey weriye Aadan Cabdi Ciidle oo ka tirsan telefishanka HCTV, waxa mar wax laga waydiiyey sida uu yahay isu-socodka xadka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti, waxa uu ku jawaabay, “Dadkii isu soconayey ma jiraan, way xanniban tahay halkaasi, lacagta cashuurta ee xaggeena (Somaliland) oo koradhay ayey dadku ka wada joogsadeen oo socodkii ka yaraaday.”
Waxa kaloo la su’aalay sababta arrintaasi ay wax uga qabanwaayeen wasiirrada uu ka mid yahay ee xukuumadda iyo xubnaha kale ee dawladda ugu jira deegaankaasi, waxaannu yidhi, “Dhib ma jiro ee wax dadka itaalkiisa ah ayuun baa meesha yimi, wixii cashuur la kordhiyey dalka ee xeer ah annagu ma dhimi karno.”
Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) oo ka mid ah Golaha Guurtida oo isna weriyuhu arrinta isu-socodka Somaliland iyo Jabuuti ka waraystay, ayaa walaac ka muujiyey saamaynta cashuurta la kordhiyey ku yeelatay dadka, waxaannu ugu baaqay xukuumadda in hoos loo dhigo, “Anigu dhawaan waan tagay Lawyo-caddo, qof kasta waxa laga qaadaa lacag $30 dollar ah, markii hore Lawyo-caddo waxa isku dhaafi jiray ilaa boqol baabuur Jabuuti ka yimi iyo intaa in le’eg oo sii socda, habeen dhawaa oo aan tagay malaha baabuur iyo laba keliya ayaa iga horyimi, markaa waxaan leeyahay lacagtaasi $30 doollar ah haddii la khafiifin lahaa dhaqaalaha inaga soo gala ee baabuurka Jabuuti ka yimaadaa waa Somaliland oo lacag baynu ka helnaa, dadka halkan yimaadaa waxay cunaan iyo aqalkay kiraystaanba dhaqaale ayaa innaga soo gala, sidaa darteed, waxaan xukuumadda iyo Wasaaradda Maaliyadda ku boorinayaa in la khafiifiyo cashuurtaas oo sidii hore ee ay ahayd laga dhigo, waayo waxaad mar keliya qaado waxa ka fiican waxyar oo aynu boqolaal qof ka qaadno,” ayuu yidhi Md. Jirde, waxaannu intaasi raaciyey hadalkiisa, “Dadkii ganacsatada ahaa ama gaadiidkii ee Saylac ilaa Hargeysa saamaynta innagu yeelan jiray maanta ma arkaysidi, qof waliba waxa uu leeyahay marka iminka $30 la iga qaado ee haddana berri mar kale la iga qaado maxaan sameeyaa? Markaa anigu waxaan ku talin lahaa cashuurtaasi Wasaaradda Maaliyaddu dib ha ugu noqoto oo ha loo naxariisto bulshada, waa dadkeennii oo weliba soo noqonaya xilliga Xagaaga, aad baa loogu dhibban yahay arrintaasi.”
Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyey xukuumadda inay saarto guddi qiimaysa saamaynta cashuurtan, waxaannu yidhi, “Xukuumaddu guddi ha u saarto arrintan oo ha soo qiimayso oo bal wixii markii hore innaga soo geli jiray iyo maanta waxa inaga soo gala ha la eego, ummadda masuuliyad ayaa ka saaran ee xukuumaddu ha eegto oo yaan la odhan uun dakhli badani ha innaga soo galo ee ha eegto dhibaatada dadka haysata.”
Geesta kale, labada masuulba waxay ka dayriyeen xaaladda abaarta ba’an ee ku dhufatay gobollada galbeed ee dalka, gaar ahaan Gobolka Salal oo haraadka iyo gaajada ka dhalatay ay ku naf waayeen in ka badan toban qof ilaa hadda, ka sakow xoolihii noolaa oo iyagu madhay, waxaanay ugu baaqeen xukuumadda, hay’adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo wax bixin kartaba in gurmad degdeg ah lala gaadho deegaannada xeebta oo halista ugu badani ka jirto.
Haddaba Halkan Hoose Ka Daawo Laba Wasladood Oo Ka Mid Ah Warkaas Hore iyo Beeninta Ka Dembeysay iyo Hanjabaado ku Ladhan Oo Wasiirku Maanta Ku Dafiray Hadalka Uu Yidhi