Hargeysa (Hubaal)- Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ayaa la filayaa in ay caawa foodda isku daraan dood xiiso badan oo Telefishanka STAR soo qaban qaabiyey. Dooddan oo Cinwaankeedu yahay Gorfeynta Siyaasadda waxa daadihinaya Weriye Xamse Cali Bulbul, iyadoo isla caawana ay taariikhdu ku beegan tahay markii la doortay Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahayd 26-kii June, 2010-kii. isla-markaana ah mid aad u xiiso badan oo si weyn loo sugayay, ayaa waxyaabaha ay xambaarsan tahay waxa kamid ah: “yaa u musharrax ah Xisbiga Kulmiye Oo La Filayo In Dhawaan Lagu kala dhaqaaqi doono Musharraxnimadiisa? Muuse Biixi Ayaa Ka Jawaabaya. Guddoomiye Ayaa xalka Xaaladda Furdaaminteeda Sugan Kaga Jawaabi Doona,“Saleebaan Waa Kulmiye’e Kulmiye ha isku noqdo oo hasoo dhameeyo Khilaafka Taagan”. Halka uu Faysal Cali-waraabe oo Xaraaradiisu aad u kacsan tahay Hanjabaaddan dirayo,“Bal marka ay 27-ka Jully la gaadho Haddii xal la heli waayo Car siilaanyo hasii fadhiyo.”.
hadaba Halkan Ka Daawo Doodii Oo Dhamaystiran: