HUBAAL TV: Taliyaha Booliska Oo Shil Ku Tilmaamay Maxbuuskii Shalay Askarigu Toogtay Iyo Wasiirka Amniga Oo Ka Hadlay Dhacdadaas +DAAWO Sawirro Naxdin Leh

0
41

“Waxaan leeyahay bulshada Somaliland dhacdooyinka caynkan Oo Kale Ahi Caalamka Oo Dhan Way Ka dhacaan Waana Qadar Dhacay” –Wasiir ku xigeenka Amniga

Hargeysa(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa kafaalo qaaday dawaynta wiil Dhalinyarro ah oo la yidhaahdo Axmed Dayib Cabdi oo ku dhaawacmay rasaas uu askari boolis ahi ku furay wiilkan oo maxbuus ku ahaa saldhiga booliiska Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa. Wasiirku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Faarax Caddare iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay dhacadadan ayaa ku tilmaamay mid shil ahayd oo kama; u dhacday. Waxaanay sheegeen in ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen askarigii askarigii riday rasaasta wiilku ku dhaawacmay sharcigana la marin doono. Waxaa kale oo ay Taliyaha iyo Wasiir ku-xigeenku sheegeen in Xukuumaddu ay kafaalo qaaday dawaynta wiilka dhaawacmay isla markaana immika xaaladiisu ay wanaagsan tahay haddii uu dhakhtar dibadeed u baahdana ay dawladdu diyaarad u gaar ah ugu qaadi doonto dhakhtar dibadeed. “Waxaan warbixin hordhac ah idinka siinayaa dhacdo saaka(shalay) ka dhacday saldhigga booliska ee degmada Ibraahim Koodbuur”sidaa waxaa yidhi Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Bilayska Somaliland oo faahfaahin uu ka bixiyey dhacdadan aanu ka soo xiganay degelka Gudgudenews.com oo warkan daabacay, waxaanu intaa kudaray “ dhacdadan oo ahayd laba Maxbuus oo mid ka mid ah qolalka Maxaabiista ku xidhnaa ayaa is dilay ka dibna askartii waardiyaha ahayd mid ka mid ah ayaa xabad riday xabadiina waxay ku dhacday oo ay daaqada uga gashay wiil dhalinyaro ah oo qol kale ku xidhnaa waxaana la yidhaahdo Axmed Dayib Cabdi. Nasiib wanaag ciidanka boolisku markiiba gacanta ayay ku dhigeen askarigii falkaa geystay,waxaanan ku ammaanayaa sida wanaagsan ee ay ciidanka boolisku dhacdadaa u maareeyeen waxaanay ahayd dhacdo iyo shil dhacay, waxaanan caddaynayaa in askariga falkaa geystay si deg deg ah sharciga loo hor keeni doono oo sharciga la marin doono. waalidka wiilkaa dhalinyarrada ah dhalayna waxaan leeyahay waa shil dhacay waana qadar, qadarkuna wuu dhacaa wixii dhacayna waanu ka xunnahay. waxaanan talis ahaan iyo hadday wasaaradda arrimaha gudaha tahay aanu aad uga hawl galay sidii wiilkaa dhaawucu soo gaadhay loo dawayn lahaa” ayuu yidhi Taliyuhu.


Waxaa kale oo isna dhacdada shalay ka dhacday saldhigga booliska ee degmada Ibrahim Koodbuur ka hadlay Wasiir ku-xigeenka gobollada iyo Degmooyinka waxaanu sheegay in Xukuumaddu ay dusha u ridatay dawaynta wiilka shilka ku dhaawacmay. “Shilka saaka(shalay) dhacay wixii warbixin ciidan ahayd taliyaha ayaa sheegay waxaa kaliya ee aan ku darayaa waxay tahay wiilka dhaawacmay saaka(shalay)ayaanu ugu tagnay dhakhtarka sidii aanu moodaynay maaha oo dhaawiciisu wuu fudud yahay ALLENA waxaan uga baryaynaa in uu caafimaad siiyo oo uu dhaawaca soo gaadhay ka kiciyo dawayntiisuna way socotaa,waxaanay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in aan halkan wax lagaga qaban Karin waxaanan diyaarinay baasabooradii iyo hawshiisii waxaana diyaarad si deg deg ah loogu qaadi doonaa dalka Jabuuti.” Wasiir ku xigeenka oo bulshada la dardaaraya ayaa intaa ku daray. “Waxaan leeyahay bulshada Somaliland dhacdooyinka caynkaasi caalamka oo dhan way ka dhacaan waxaanan leeyahay waa qadar dhacay waxaanan ciidanka booliska ku ammaanayaa in ay gacanta ku dhigeen ninkii askariga ahaa ee falkaa geystay. Bulsgadana waxaa looga baahan yahay in ay degenaanta iyo nabad gelyada kala shaqeeyaan hay,adaha ammaanka.”

wiilka la dhaawacay.jpg k

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here