Ciyaaryahankii hore ee naadiga Barcelona iyo Chelsea weerarka uga ciyaari jiray Samuel Eto’o ayaa maalinimadii Salaasada ahayd la aqal galay gabadhii inta badan u doonanayd ee Georgette Tra Lou xaflad aroos oo la isku arkayna u dhacday lamaanaha.
Laacibkan hore ee xulka Cameroon, arooskiisa ayaa ka dhacay magaalada Stezzano ee wadanka Talyaaniga, halkaas oo ay boqolaal dad ahi isugu yimaadeen xafladii arooska Eto’o iyo xaaskiisa cusub.
35 jirkan, laba xili ciyaareed ku qaatay kooxda horyaalka Talyaaniga ee Seria A ka ciyaarta ee Inter Milan kahor intii aanu hal sano u safanin naadiga Sampdoria, oo ku lebisan suut midabkiisu sibidhi yahay ayaa ka soo degay baabuurkii carruuska gaarka loogu siday.
Eto’o saaxiibkiisii naadiga Barcelona iyo kabtankiisii – Carles Puyol ayaa kamid ahaa dadka xaflada arooska iyo maalinta khaaska u ah ciyaaryahanka ka soo xaadiray.