“ Dadaka reer galbeedka ahi waxa ay ku horumareen maaha in ay wax walba xukuumaddu gacanta ugu hayso, laakiin waxa weeye….”
Tog-wajaalle ( Hubaal)- Qaar ka mid ah waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka degmada Wajaalle ee gobolka Gabiley ayaa ka hadlay mawqifkooda ku wajahan wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera, kuwaas oo muddooyinkiii u dembeeyey hadal hayntoodu dalka ka aloosnaayeen. Cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka Wajaale waxa ay si kal iyo laab ah taageero ugu muujiyeen mawqifka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka taagan tahay wareejinta haamaha. Odayaashan oo miisaan ku leh buslshada gobollada galbeedka dalka ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ka difaacay eedaha uga yimaadda dhinaca mucaridka oo ay ku tilmaamay in aan ay mucaaridku u meel dayin hadalladooda. Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel-ka Geelle ee Magaaladda Wajaalle ayaa taageeray Madaxweyne Siilaanyo wareejinta ay shirkaddaha ku wareejinayaan haamaha shidaalka Somaliland maadaama oo ay dalka masuul uga tahay xukuumaddu.
Oday Yuusuf Cali Cabdi oo ku hadlayay afka odayaashan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay tallaabooyinka gobollada galbeedka u saamaxay in ay horumar ka sameeyaan nolosha, “ Dadaka reer galbeedka ahi waxa ay ku horumareen maaha in ay wax walba xukuumaddu gacanta ugu hayso, laakiin waxa weeye in wax kasta oo horumar sameeya gaarka [privates] loo daayo oo ay dawladduna dusha ka maamusho, saamigeedana ay boqolkiiba [Percentage] ka qaadato” sidaa ayuu yidhi Oday Yusuuf. Waxaana uu intaa ku daray “ Innaga oo waxeena private ka dhigna ayaynu ku hormari karnaa kuwa aqoonyahannada sheeganaya ee waxbaa la wareejinayaada haya waxaan usoo jeedinayaa caalamka soo eega oo sidan wax loo qaybsaday ee dadka privateka ahi u qabsadeen ee xukuumaduhuna ku daba joogto percentage-keedana uga qaadnaso soo ogaada, waxa laga yaabaa in idinka oo og aad mucaarid ahaan ku diidan tihiin oo aad dadka hordhigaysaan waxaan jirin” ayuu yidhi Oday Yuusuf.
waxaa isna goobtaas ka hadlay Caaqil Cumar Cabdi Warfaa waxana hadaladiisii kamid ahaa “Shirkan muhiimadiisu waxa weeye inaanu sheegno wixii ay ka qabatay xukuumada Somaliland Degmada Togwajaale iyo waxa looga baahan yahay inaan taageerno sida ay u hoggaaminayso xukuumadda Somaliland caam ahaan.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Warfaa, waxaana uu intaa ku daray “ Markii uu madaxweynuhu yimi degmada Tog Waajale ballan-qaadyo badan ayuu sameeyay waanu kasoo wada baxay, haddii la eego wadanka intiisa kalena waxyaabo badan ayuu ka qabtay, tusaale ahaan markaad eegto wadada isku xidha Kalabaydh ilaa Wajaale iyo Wadada kale ee isku xidha Dila ilaa Kalabaydh. Ceerigaabo iyadana waan ogayn sida magaalada gudaheedu ahaaa iyo sida uu wax u qabtay”. Gebogabadii waxaa iyaguna halkaas ka hadlay odayaal miisaan leh oo dhammaantood coddheer ku taageeray wareejinta haamaha shidaalka kana marag kacay waxqabadka xukuumada.