Hargaysa (Hubaal)- Dhacdo ugub ku ah Caasimadda Hargaysa oo xalay ka dhacday xaafad ka mid ah Magaalada Hargaysa . Waxaana dhacdadani ay ahayd markii ay rag hubaysani ay xalay hub ku weerareen guri uu deggenyahay xubin ka tirsan Golaha Aqoonyahanka Ee Qalinka Daa’uud Laguna Magacaabo Fu’aad C/Salaam .
Weerarkan oo ay fulinayeen rag hubaysani ayaa waxay rasaas ku rideen guriga iyagoo bar tilmaameedsanayay daaqadda qolka uu seexdo Masuulkani waxaana ay rasaasataasi ka dhex dustay daaqaddi oo ka sameesnayd Al Munium ka dibna waxay goosatay gidaarkii ka soo hor jeeday .
Waxaa xusid mudan wakhtiga uu weerarku dhacay Fu’aad C/Salaam kumuu sugnayn guriga oo wuxu ku maqnaa shaqada .
Haddaba Fu’aad C/Salaan oo aanu arrintani wax ka waydiinnay ayaa nooga warramay siday wax u dhaceen waxanu yidhi “ Abaaro 11:30 fiidnimo habeenimadii isniintu soo galaysey (Xalay) anigoo ku maqan shaqada Ayaa Xabad lagu Ridey Gurigayaga (Xaafadda Jamecadda) Waliba waxaa xabbadu ku dhacaday Daaqada Qolka aan Seexdo oo markaa Hooyo iyo Walaalkay Fadhiyeen ”
Fu’aad C/Salan oo si wattay hadalkiisa ayaa tilmaamay nooca xabbada iyo qaabkay xabbadu ugu dhacaday guriga waxaanu yidhi “ Xabadda Qasharkedii ayaan Helay Waa AK47. Daaqad Almunium ah ayey ka soo gashey Gidaarkii ka soo horjeedayna wey Goosatay “
Sidoo kale Fu’aad C/Salaan wuxuu sheegay in uu ciidanka wargaliyay baadhistuna ay socoto “ Ciidanka sirdoonka iyo Kan Saldhigaba waan wargaliyey Gurigana Askar baan Geeyey soo eegtay Falku siduu u Dhacay, ugu yaraan saddex nin ayaa falka ku jirey laba ka mid ahi guriga derykiisa u dhaceen. Ma Garan karo Ujeedda ka Danbeysa Balse Kiiska Baadhis ayuu ku Jiraa Waa Loo Wada Joogi …” Ayuu Ku Soo Gunaanday Hadalkisii Fu’aaad C.salaan .
Si kastaba ah ahaate dhacdadan ayaa ah mid ugub ku ah Caasimadda maadaama aanay hore u dhicin in la ugaadhsado dhalinta Aqoonyahanka ah .
Maaha markii kowaad ee la handido xubno ka tirsan Golaha Aqoonyahan (Ciidagale) ee Qalinka Daa’uud balse waxaa hore u dhacaday in xubno ka tirsan ururkani laga joojiyay shaqadoodi ay ka hayeen dawladda sidoo kalena looga yeedhay xarunta CID-da
Dhacdooyinkan is xigxigaa ee lagula kacay xubnaha Qalinka Daa’uud ayaa yimid Markii Golahani Soo saaray baayaan uu kalsoonida kala noqday xukuumadda .