Hargeysa(Hubaal)-Hawl wadeenada Dabdamiska Dawladda hoose ee Hargeysa oo kaashanaya qaybaha Bulshada, ayaa ku guulaystay Daminta Dab qabsaday Guriga Xisbiga ee ku yaala Suuqa Gobanimo.
Dabka oo ahaa mid Kooban ayaa ka kacay meelo ganacsi oo dad danyar ahi leeyihiin, waxaana lagu guulaystay inaanu dabku ku fidin Suuqa Gobanimo oo ah mid baladhaan islamarkaana hanta badani taalo.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdillaahi, ayaa saxaafadda u sheegay inaan dabka ka dhalan Khasaare Nafeed balse wixii khasaare Maaliyadeed ah la sheegi doono marka la qiimeeyo.
Wali lama Oga khasaaraha Maaliyadeed ee dabka hase ahaatee Masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ayaa Bulshada ugu baaqay inay baneeyaan jidad looga gurmado wakhtiyada dabka iyo xaaladaha kale ee degdega ahi jiraan.