waxa uu sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha uu xisbiga KULMIYE dheer yahay axsaabta kale ee tartanku ka dhexeeyo, isaga oo tusaale usoo qaatay tartankii xisbiga dhexdiisa ka dhacay shirkii golaha dhexe ee murrashixiinta lagu dooranayey, waxana uu Ex. Wasiir Cabdicasiis Samaale uga mahadnaqay tartankii uu galay iyo weliba go’aankiisa adag iyo sida uu midnimada xisbiga u ilaaliyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxyaabaha uu axsaabta kale dheer yahay waxa kamid ah waayo-aragnimada, adkaysiga iyo xallinta khilaafaadka dhexdayada, laba tusaale oo halkan yaalla, ayaana kamid ah, kuwaas oo kala ah, Maayar Saleebaan Xasan Xaddi oo cod lagu beddelay oo isaga iyo maayarkii beddelay fagaare ka wada hadlayaan oo wada shaqaynayaan waa waayo aragnimo aanay xisbiyada kale lahayn, Cabdicasiis iyo aniga oo tartan dheer galnay oo ay axsaabta qaarkood kasoo kici kari waayeen tartamadaas oo kalena waa waayo aragnimo kale, waxana aanu aad ugu mahadnaqaynaa inuu Cabdicasii oggolaaday inuu hankiisii ka laabto oo weliba dhiso xisbigiisa, waana wax dadka inyar laga helaa.”
Dhinaca kalena waxa uu guddoomiyuhu jawaab ka bixiyey dhaqanno saaxadda siyaasadda ku cusub oo uu beryahan dambe lasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo ay kamid yihiin safiirro uu xisbigu sheegay inuu waddamada qaarkood u magacaabay,“Curfiga siyaasadda caalamka kama aynaan maqal, kamana mid aha xisbi mucaarad ah oo safiirro magacaaba, waana xaalad ku ugub ah curfiga siyaasiga ah ee caalamka ah oo dhan, xisbiga ay taasi ka suurtowday iyo ninka xisbiga hoggaaminaya ee doonaya inuu dal madaxweyne ka noqdana ee taas garan waayeyna waxan leeyahay waa khalad ka dhacay”ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Isaga oo hadalkiisa sii wata uu sharci-darro ku tilmaamay tallaabooyinka uu xisbiga WADDANI ku sheegayo inuu raacdo u gelayo sidii bulshada caalamka ugu keeni lahaayeen waxyaabo ay bulshada reer Somaliland u baahan tahay, waxana uu xusay inay taasi tahay shaqadii xukuumadda umaddu dooratay oo ay gef ku tahay xisbi aan umaddu wakiilladan, waxana uu yidhi,“Caalamka meelna kama dhacda xisbi mucaarid ah oo odhanaya intaanu dawlado u tagno ayaanu umadda wax usoo weydiinaynaana, waana aqaan gaabnida curfiga diblomaasiyadda caalamiga ah, dal wal oo adduunka ahna waxa uu la xidhiidhaa oo umaddu doorataa hadba cidda xukunka haysa, taasina waxa aan isleeyahay mala ragga qaar garasho waa kama ahee far kale oo meel kale ka timi oo Somaliland khalkhal gelinaysa mala yaabaa ragga qaarkii inuu taas ka wado, waayo rag aqoontaas garan waayo ma ah, xisbiyada tallaabooyinkaas qaadayna waxan leeyahay kusoo noqda xayndaabka qaran-nimada.”
