DAAWO Muuqaal VIDEO Ah Oo Ku Saabsan Sidii Ay U Burburtay Diyaaraddii Ay Lahayd Wasaaradda Difaaca Ee Russia

0
43

Telefishanka Wadanka Ruushka ee RT Oo Baahiyey Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ay U Burburtay Diyaaraddii Ay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalkaasi Lahayd Iyo Xilligii Ay Dhacday

 

 

 

Moscow (Hubaal/Russia Today) – Diyaaraddii gaarka ahayd ee ay lahayd  Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Ruushka oo burburtay Axaddii Shalay Xilli ay ku gudo jirtay  duulimaad kuna sii jeeday wadanka Suuriya ayaa telefishanka wadankaasi ee Russia Today uu baahiyey markii ay burburaysay oo ay maraysay magaalada xeebta Saaran ee SOCHI.

 

Diyaaradan oo nooceedu yahay TU-154 ayaa la sheegay inay saarnaayeen dad gaadhaya 91 qof oo ay ku jiraan 83 rakaab ah iyo 8 shaqaale ah.

 

Wararka ugu danbeeyey ee kasoo baxaya Ruushka ayaa sheegaya in bada magaalada Sochi ay diyaaradaasi ku dhacday isla markaana hada la helay qeyb kamid ah hadhaaga diyaaradaasi.

 

Saraakiisha laanta hawada ee Ruushka ayaa sheegaya in diyaaradu ay  Radaarka ka baxday 20 daqiiqo kadib markii ay ka duushay magaalada Sochi.

 

Duulimaadkan ayaa la sheegay inuu kusii jeeday magaalada Latakiya ee dalka Siiriya oo ah halka uu ku yaallo saldhiga Militari ee Ruushka ku leeyahay Siiriya.

 

Rakaabka saarnaa diyaarada ayaa la sheegay inay ku jiraan Suxufiyiin iyo kooxda muusiga ee ciidammada Milatariga dalkaas ee loo yaqaanno Bamboy-da kuwaas oo qorshuhu ahaa in  ay ka qeyb qaataan xaflad loo dhigayey ciidamada Ruushka ee ku sugan Siiriya maalinta Sanadka cusub.

diyaarada-military-russia-burbur2016

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here