DAAWO: Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukuno Ku Riday Saddex Nin Oo Ka Gacsanayay Maandooriyaha Khamriga

0
40

Hargeysa (Hubaal) Maxkamada darajada 1aad iyo 2aad ee Gobolka Maroodijeex ayaa maanta ku dhawaaqay Xukuno ku riday danbiilayaal ay ciidanka boolisku ku soo qabteen ka ganacsiga Maandooriyaha Khamriga.dembiilayaashan xukunada kala duwan lagu riday ayaa kala ahaa Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Maxamed daa’uud Muuse oo lagu xukumay saddex sanno midkiiba iyo lacag ganaax ah oo cadadkeedu dhan yahay Saddex Malyan oo shilka S/land ah

Halka eedeysanaha saddexaad oo ah maqane baxsad ku maqanaa oo lagu magacaabo Madar Badal Iidaan ay maxkamadu ku xukuntay isaga oo maqane ah shan sanadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan Shan Milyan oo shilinka S/land ah

xukunka  ayaa waxa ku dhawaaqay garsooraha maxkamada gobolka  Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud

khamri caagado lagu shubay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here