13 Caaqil oo soo degal fadhiistay Hargeysa, xagla toosiye oo Burco kaga hor tagay iyo Cuqaasha oo soo weydaaratay
Hargeysa(Hubaal) 13 caaqil oo ka kooban jilibada dega Buuhoodle ayaa shalay soo gaadhay Hargeysa, waxaana ujeedada socdaalkooda lala xidhiidhinayaa inay kulamo la yeelanayaan Xukuumadda Somaliland.
Cuqaashan ayaa la sheegay inay u socdaan arrimo ay ka mid yihiin Nabadaynta Buuhoodle iyo Somaliland, sidoo kale, waxa la sheegayaa inay qayb ka yihiin cabasho ka dhan ah Wasiir Xagla Toosiye, taasoo maalmahanba taagnayd.
Ilo wareed u dhuun daloola booqashada cuqaashan ayaa la sheegay inay Wasiir Xagla toosiye saamaysay, waxaana la sheegay in uu shalay kaga hor tagay Burco si uu ula kulmo, hase yeeshee waxa la sheegay inay diideen oo ay iska soo dhaafeen.
Sida Ilo wareedka aanu warkan ka helnay sheegayaana Xagla toosiye laftiisu waxa uu bilaabay dhaqdhaqaaq ku lidi ah ka Cuqaasha, waxaanu wadaa sidii uu qaar ka mid ah Madax dhaqameedka u keeni lahaa si ay u taageeraan.
Loolanka u dhaxeeya laba garab oo iska soo horjeeda oo ah siyaasiyiinta Gobolka Sool kaga jira Golayaasha Dawladda ayaa meel adag maraya, kadib markii ay isku eedeeyeen inay hor taagan yihiin Horumar ay Xukuumadda Somaliland ka samayso gobolka.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda Buuhoodle iyo guud ahaan Gobolka Sool ayaa maalmihii u danbeeyey isweydaarsaday erayo mid ba midka kale ku durayo waxaanay taasi sababtay in mid ka mid ah dadka Gobolka ka soo jeeda oo Xisbiga Wadani ka tirsan la xidho, kadib markii uu taageeray Wasiir Xagla toosiye oo Xukuumadda Kulmiye ka tirsan.
Si kasta ha ahaatee Loolanka adage e ka dhex taagan siyaasiyiintan ayaan la garanayn goorta uu soo af-jarmi doono, maadaama xaaladdu meel adag la marayso.