Hargeysa(Hubaal):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),ayaa xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ay ka hor istaagtay in la dhaariyo,sida oo kalena ay u diiday in u baxaan tobabarkii khuseeyey dhinaca hawlahooda shaqo in ay dalka dibadiisa ugu baxaan.waxaana uu xukuumada iyo maxkamada sareba ugu baaqay in mudnaan gaar ah la siiyo in la dhaariyo komishank doorashooyinka iyo in ay u baxaan tobabarkii ay ku soo qaadan lahaayeen dalka dibadiisa.
Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayey munaasibad balaadhan oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhawaynaayey Siyaasiyiin,Aqoonyahan iyo taageerayaal kale oo mug iyo miisanbale oo ku soo biiray xisbiga WADDANI.
“Waxaad ka war haysaan,in golaha wakiiladu u ansixiyey 29-October gudida doorashooyinka qaranka,waxaa ay ahayd in axadii la dhaariyo sabtidii ayaanu ansixinay,maantana waa khamiis,Xukuumada ayaa joojisay in la dhaariyo,xukuumada ayaa joojisay in ay tobabarkii ay u baxaan.Waxaan u soo jeedinaynaa Xukuumada iyo maxkamada sareba mudnaanta ay hawshasi leedahay in la siiyo,in la dhaariyo in xilka lagu wareejiyo,in ay tobabarkii ay u baxaan,sida oo kalena ay diiwaan galintii ay bilaabanto”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro
Md:Cabdiraxmaan Cirro wax kale oo uu Komishanka doorashooyinka iyo bulshada caalamka ee inga taageera arrimaha doorashooyinka in la da’dajiyo qabashada diiwaan galinta codbixiyeyaasha muwaadinta,si baa uu yidhi ay u suurto gasho in dalka laga qabto doorasho dhakhso ah oo aan dib u dhicin,waxaana uu yidhi:”Si ay u bilaabanto diiwaan galinta codbixiyeyaashu oo ay ku xidhan tahay in aynu doorashada qabano,waxaan u soo jeedinaynaa Komishanka Qaranka iyo bulshada caalamka ee Somaliland taageertaba in la dadajiyo qabashada diiwaan galinta codbixiyeyaasha si doorashooyinku inoogu qabsoomaan,wakhtigii loogu talo galay”.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu sida oo kale uu xukuumada ugu baaqay in ay asxaabta mucaaradka iyo bulshada Somaliland-ba ay uga xog waranto wadahadalada u socda Somaliland iyo Somaliya oo uu sheegay in aan bulshada iyo asxaabta qarankuba aanay xog badan ka hayn.
“Xisbiga WADDANI waxaa uu aamin san yahay kana shaqaynayaa in la helo qaran Somaliland oo madax banaan,oo kamid ah mujtamaca dawliga ah,waxaan xukuumada u soo jeedinaynaa in ay asxaabta mucaaradka iyo shacbigaba ay uga xog waranto,wada hadalada aynaan xog bada ka ogayn Somaliland iyo Somaliya ee socda,si ay umaddu xogagaal ugu noqoto masiirkeeda”Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay hadalo ka soo yeedhayey muddooyinkii danbe dalka Somaliya ,waxaana uu carabka ku dhuftay in qaranka Somaliland uu mar walba diyaar u yahay in uu difaacdo cidii soo fara gashata xuduudihiisa.
“Siyaasada Xisbiga WADDANI waxa weeyey in aynu iskaashi iyo nabad galyo aynu kula noolaano,wadamada jaarkeena,runtii waa wax laga xumaado,dalalka ama wadamada aynu jaarka nahay qaarkood in aynu ka maqalno hadalo qaawan oo ay saxaafada inoo soo marinayaan,oo ay leeyihiin waxaanu ku soo duulaynaa Somaliland,waxaanu qoladaas aanu leenahay siyaasadayadu waxa weeye wada noolaansho iyo wanaag,laakiin Somaliland waxaa ay mar kasta diyaar u tahay in ay difaacato qaranimadeeda,dhulkeeda,iyo shacbigeedaba”Ayuu yidhi Md:Cirro.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay siyaasada xisbiga WADDANI ee ku wajahan gobalada bariga iyo galbeedka Somaliland,waxaana uu yidhi:”Xisbiga WADDANI Siyaasadiisu waxa weeye in maamulka la gaadhsiiyo dhamaan dhulka Somaliland meel kasta oo uu yahay hadduu yahay bari iyo hadu yahay galbeedba,Siyaasada Xisbigu waxa weeye in xabada lagu badalo wada hadal .waa in la abuura jawi lagu wada hadli karo,waa in lala hadlo odayaasha deegaanada iyo siyaasiyinta gobalada gaar ahaan buuhoodle si loo helo midnimada Somaliland”.
Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa sida oo kale uu si adag uga hadlay xadhiga iyo cabudhinta muddooyinkan danbe ay xukuumada Siilaanyo ku haysay saxaafada madaxa banaan,isaga oo sida oo kalena si aada u cambaareeyey xadhiga ay xukuumadu kula kacday saraakiil sar sare oo xisbiga WADDANI ka tirsanaa oo ay xukuumadu xadhay iyo waliba xubnihii ugu sareeyey Jiidali oo iyaguna muddooyinkii danbe xidhnaa.
“Somaliland waxaa ay magac iyo maamuusba ay ku heshay in ay illaaliso ama ay samayso saxaafad xor ah,waxyaabaha aadka loo xiiseeyo,marka aanu qurbaha joognayna aanu aad u akhriyi jirnay dadka afsoomaaliga ku hadlaana ay aad u akhriyaan,wali waxaa ka mid ah dhan xiirka,waxaa ka mid ah Guuguule,Mr:WADDANI iyo qaar kale oo badan iyo in aynu caan ku ahayn in aynu dulqaad lahayn oo xuquuqul insaankana Illaalin jirnay.Maanta se saaxafada waxaa la saaray cadaadis iyo cabudhin,waxaa caado u noqotay xadhig joogto ah,waxaa muwaadiniinta Somaliland caado u noqotay hada xadhig aan waafaqsanayn sharciga in la xidho,qof kasta oo hadla,qof kasta oo wax dhaliila iyo qof kasta oo muujiyeyba in uu ka soo horjeedo Xukuumada iyo Siyaasada xisbiga KULMIYE,waxaa ugu danbeeyey saddex xubnood oo iyaga oo todobaadkii hore halkan xaflad ku haysta laga qabtay,waxaa ugu danbeeyey gudigii qaban qaabada ee xaflada inoo samaynaayey shalayto la xidhay oo ay qaar ka mid ahi ay yihiin masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga WADDANI,walina maanta ay xidhan yihiin,sabab loo xidhay iyo cid ay u xidhan yihiina illaa hada ma garanayno,waxaan u soo jeedinaynaa xukuumada in dhalinyarada Jiidali,guddoomiyahooda iyo xubnahaa kale iyo saraakiisha xisbiga WADDANI-ba xoriyadooda loo soo celiyo,cabudhinta iyo caga juglaynta iyo xadhiga saxaafada,axsaabta iyo muwaadiniintaba ay xoriyadii ay Somaliland heshay Labaatankaas Sanadood dhaawac weyn u gaysan karta.waxaan ugu baaqaynaa in Somaliland magaceeda la illaaliyo,muwaadiniintana wax aan sharci ahayn lagu qaban,marka la qabanayana dariiq sharci ah loo raaco,waxaan mar labaad carabka ku adkaynayaa in la soo daayo Md:Daa’uud Xusseen Jaamac(Food-Cadde) oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro
Md:Guddoomiye Cirro,waxaa uu sida oo kale uu u mahad celiyey taageerayaal ka soo jeeda gobalka Sool oo iskood isu xilqaamay kuna soo biiray xisbiga WADDANI.
“Waxaan halkan aad iyo aad aan uga mahad naqayaa taageerayaasha gobalka Sool ee iskood isku abaabulay iyaga oo aan cidina abaabulin ee xaflada weyn ku qabtay magaalada Laascaanood,muujiyeyna taageerada gobalka Sool,ee xisbiga WADDANI”Ayuu yidhi Cirro.
Ugu danbeyntiina guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI waxaa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan ay si aada u taageerayaal barnaamijka horumarineed ee gudida aqoonyahanka gabilay u soo jeedisay xukuumada,waxaana uu carabka ku dhuftay in haddii ay xukuumadu fulin waydo uu xisbiga WADDANI fulin doono marka uu doorashada ku guulaysto.
“Waxaa xisbiga WADDANI uu si buuxda u taageerayaa fulinta soo jeedinta gudida horumarinta gabilay ay u soo jeediyeen xukuumada Somaliland,waxaanu leenahay haddii ay xukuumadu fulin waydo waxaa fulin doona xisbiga WADDANI haddii Illaahay yidhaahdo”Ayuu yidhi Md:guddoomiye Cirro