‘Waxaanu Qabnaa In Arrinta Uu Boqorku U Xidhanyahay Aanay Ahay Safarkii Uu Ku Tegay Puntland Ee Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya….”
Burco(Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ka hadlay Xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow)’ wuxuuna xadhigiisa ku tilmaamay mid siyaasadeed oo la xidhiidha muran uu sida uu sheegay ka taagan Guddoomiyahanimada Xisbiga KULMIYE. Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu hadal ka jeediyay magaalada Burco shalay “‘Waxaad ka warqabtaan Boqor Cismaan Buurmadow in la xidhay hadda Xisbiga WADDANI muu ahayn ee wuxuu ahaa Odayaashii KULMIYE ugu olollaha badnaa, waxaan qabnaa in Odayga loo xidhay waxaan ahayn wixii lagu soo eedeeyey, Boqor Cismaan waxaad ka warqabtaan inay Odayaal Togdheer gacanta iskugu dhiibeen berigii dhaweyd doorashada ka hor oo ahayd in Xisbiga KULMIYE lagu soo wareejiyo oo uu Muuse soo wareejiyo doorashada ka dib…” Ayuu yidhi Cirro
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Xadhiga Boqor Buurmadow aanu ahayn mid la xidhhiidha socdaalkii Puntland uu ku tegey halkaa , balse uu yahay mid ka dhashay dumaasha guddoomiyenimada KULMIYE ‘Waxaanu qabnaa in arrinta uu Boqorku u xidhanyahay aanay ahay safarkii uu ku tegay Puntland boqorka, Madaxweynahan socdaalka wey isla ogayeen oo Boqorka ayaa sheegay oo yidhi, “Madaxweynaha ayaa I diray”, marka uu Hargeysa ka baxayeyna xukuumaddu wey sii macasalaamaysay, marka uu soo noqdayna wey soo dhaweysay, haddana isagoo hudheel jooga ayaa la qabtay,waxa cad waxaa loo xidhay boqorka inay tahay muran ka dhaxeeya KULMIYE oo ah Madaxweynuhu inuu soo wareejiyo Xisbiga KULMIYE sidii ay Odayaashu isku ogaayeen, markaa arintaas ayuu u xidhanyahay Boqorku Ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Guddoomiye Cirro ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi Inuu fuliyo wacadkii uu la galay cahdigii ololaha Doorashada , isla marakaana uu wareejiyo Guddoomiyenimada KULMIYE., isagoo yidhi, ‘Madaxweynaha waxaanu leenahay wixii aad markii hore odayaasha kula heshiisay dee ogolow oo Boqorka iska siidaa…” ayuu yidhi Guddoomiye Ciro.