Cirbixiyeeno Kasoo Booday Dayax-Gacmeed Ciladoobay

0
21

Dayax-gacmeed ay saarnaayeen cirbixiyeeno Ruushka u dhashay ayay cillad ku qabsatay hawada sare sida ay tabinayso warbaahinta Ruushka, balse dadkii saarnaa ayaa ka badbaaday.

Waxaa la sheegay in shaqaalahan ay dayax-gacmeedka kaga soo baxsadeen qalab yar oo loogu talogalay, kaas oo si nabdoon dhulka ugu soo celiyay.

Labada cirbixiyeen oo kala ah Alexey Oychinin oo Ruushka u dhashay iyo Nick Hague oo Maraykanka u dhashay ayaa la sheegay in ay bad qabaan sida ay sheegtay wakaaladda cirbixiyeenada Maraykanka ee NASA.

Gantaalkii ay saarnaayeen oo lagu magacaabo Soyuz ayaa halaabay markii uu muddo 6 saacadood ah hawada kusii jiray.

Muddo 6 billood ah ayuu qorshuhu ahaa in ay soo joogaan xarunta dayax-gacmeedyada adduunka si ay uga shaqeeyaan cilmi-baaris seyniseed iyo hawlo kale.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here