taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi fadal Imaan ayaa sheegay in heegan la geliyay dhammaan Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolada iyo degmooyinka dalka maanta oo salaaso ahayd, iyadoo saraakiisha u sareeya ciidankaasina ay ka hadleen sababaha keenay in xiligan heegan la geliyo ciidamada ammaanka gudaha.