Marka Hore waxaan halkan Salaan mug iyo miisaan culus hawada usoo marinayaa Bah-weynta Saxaafada Somaliland iyo guud ahaanba Shacabka sharafta badan ee reer Somaliland ,
Marka xigta waxaan maantamaqaalkan gaaban kaga hadli doonaa qiimaha baaxada leh ee ay Ciidanka Qaranka Somaliland kaga jiraan Dalka iyo sida ay halbowlaha qaaliga ah ugu yihiin dalkan taasoo aanay muran ka taagnaynin aanay Somaliland joogi Karin Ciidanka Qaranka Somaliland la’aantii isla markaana aanaymarnabaka maarmi Karin jiritaankiisa iyo kaalintiisa.
Hadaba waxa aan maalmahan Warbaahinta ku arkaayey hadalo deel qaaf ah oo ay Saxaafada u marinayaan kuna Canbaaraynayaan qaar kamida Salaadiinti Waaweynayd ee Dalkan Somaliland oo si badheedha isula soo taagayhadalo ay wax kaga Sheegayaan Ciidanka Qaranka Somaliland taas oo aan leeyahayka toobad keena oo xaal kasiiya Ciidanka Qaranka Somaliland Danbigaa weyn ee aad ka gasheen.
Hadaba Waxaan Halkan Bulshada Somaliland uga soo jeedinayaa in ay ka waantoobaan inay faro-galiyaanama ay ceebeeyaan oo ay aflagaadeeyaan Ciidanka Qaranka Somaliland oo aynu ognahay in aaanay la’aantood suurtogal ahayn Qarankan wadajirkiisa iyo jiritaankiisuba
Allaa Mahadle
Qalinkii Jaamac Muuse Faarax