Hargeysa (Hubaal)-Taliyaha saldhiga saddexaad ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ee gobolka Sanaag, Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in hawlgal ciidankoodu sameeyay ku soo qabteen doon siday tahriibeyaal Soomaali iyo Itoobiyan ah oo ku sii jeeday dalka Yemen. Taliyaha ayaa sheegay in doontaasi oo ka timid dhinaca badda maamulka Puntland ay ku qabteen meel ku beegan biyaha degaanka Laaso-surrad “Intii colaadda Yemen bilaabantay ciidamada saldhiga saddexaad waxaa u astaysnaa goobo cayiman oo horena aanu u sheegnay. Sideedii saaka ciidanka xeebuhu wuxuu gacanta ku soo dhigay hal Laash oo tahriib gure ah. Laashkaasi wuxuu siday 91 qof, 83 waa Itoobiyan, 8 qofna waa Soomaali” ayuu yidhi Taliye Maxamed Yuusuf. Taliyaha ayaa sheegay inay ciidanka ilaalada xeebuhu la tacaaleen dadkaasi tahriibeyaasha ah oo xaaladdoodu liidatay, haatana ay fiican yihiin. Waxa uu ciidankiisa ku ammaanay waajibaadkooda ay gutteen. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Ciidanku muddooyinkii u dambeeyay heegan ugu jiray suggidda ammaanka xeebaha Somaliland, islamarkaana uu hantay biyaha Somaliland. Waddanka Yemen ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray dagaallo halakeeyay dalkaasi, iyadoo qaxoontiga ka soo cararay soo gaadhayay xeebaha Somaliland iyo Puntland. Dhinaca kale waxaa magaalada Ceerigaabo soo gaadhay maanta taliye xigeenka ciidanka Booliska Sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, waxaanu sheegay in socdaalkiisu la xidhoodho kormeer guud waxaanu yidhi isagoo ciidanka la hadlaya “Kormeerkani waa kii caadiga ahaa ee talieyaasha sare ku eegayeen xaaladda Ciidankooda, wada shaqaynta ay shacabka la leeyihiin iyo heerka nabadgalyada gobolada iyo baahida ciidanka iyo caafimaadkooda”.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Ciidammada Marines-ka Somaliland Oo Waqooyiga Sanaag Ku Qabtay Muhaajiriin Yemen Ku Sii...