Muqdisho (Hubaal) Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay weerar duqayn ah ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku dileen weerarkaasi labo kamid ah kooxaha jihaad-doonka. Bayaan kasoo baxay taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqaynta Salaasadii doraad ay ka fuliyeen meel u dhaw magaalada Kismaayo islamarkaasna aanay jirin rayid ku dhaawacmay ama ku dhintay. Bishii June ayay ahayd markii mid kamid ah ciidammada Mareykanka lagu dilay halkaasi, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii Al Shabab ay weerartay saldhig ku yaallay agagaarka magaalada Kismaayo.