Hargeysa, (Hubaal)-Qaar ka mid ah ciidanka ilaalada ee xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay garaacay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ka dib markii isagoo sii galaya irida hore ee golaha wakiilada ay koox ka mid ah ciidanka ilaalada Goluhu ku Boobeen feedh iyo laada.
Ma cadda u jeedada ka dambaysay weerarka ay qaar ka mid ilaalada xaruntu ku qaadeen Xidhibaan Maxamed Faarax Qabile oo mudadii 10 -ka sano ahayd ka mid ahaa mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland, oo aan ahayn nin ku cusub golaha.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo dhaawacyo culus qaba ayaa wax la dhigay cusbitaalka wayn.
Balse Ciidankii dhibaatadda u gaystay xildhibaanka ayaa isla shalayba loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, xidhiidh uu Wargeyska Ogaal la sameeyay xildhibaanka dhaawacu soo gaadhay ayay noo suurta gali wayday in aanu helo, maadaama oo telefoonkiisa gacantu bakhtiisnaa.
Xigasho: Ogaal