Ciidamada RRU-da oo la wareegay Guriga Mulkiilaha HCTV iyo Macradka TOTAL Merine Ee Hargeysa

0
41

Hargeysa(Hubaal) Ciidamada Booliska ee loo yaqaan RRU-da ayaa saaka 7:00 Subaxnimo la wareegay Guriga uu Magaalada Hargeysa ku leeyahay Mulkiilaha Telefeshinka HCTV Farxaan Xaaji Cali iyo Macradka Baabuurta lagu iibiyo ee la yidhahdo TOTAL Merine.

 rru

Ciidamadan oo ah kuwa sidda Gaar u tababar ayaa Gallay Guriga Mulkilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali iyaga oo Dadkii wakhtigaasi joogay ku amray in ay iskaga baxaan Guriga, dhanka kale waxay la wareegen ciidankani Macradka Baabuurta lagu iibiyo ee la yidhahdo TOTAL Merine, Galida Ciidankan ayaa lagu sheegay in ay ka danbeeysay Amar ka soo baxay wasaarada Hawlaha Guud oo sheegayey in 10 Gurri ay dawladu leedahay ay ka baxan dadka ku jirra, walow ay Dadkan laftigoodu Boqolaal kun oo dollar ay siisteen Guriyahaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here