Ciidamada Booliska Hargeysa Oo Goor Dhaweyd Xabsiga U Taxaabay Suldaan Cali Saleebaan Maxamed (Cali Qanjo)

0
48

Suldaan-Cali-Saleeeban-1024x576Hargeysa (Hubaal) Ciidamada Booliska ee  ayaa goor dhoweyd Xabsiga u taxaabay Suldaan Cali Saleeban Maxamed(Cali Qanjo) oo kamid ah Madax-dhamaqeedka Gobolka Saaxil islamarkaan ahaa Gudoomiyihii Gudida Qaban Qaabada shirka Beesha Gobolka Saaxil Uga furmi Doona Deegaanka Baxarasaafka oo katirsan Degmada Laasgeel. Waxaana Suldaanka Lagu xidhay saldhigga dhexe ee magaaladda Hargeysa.

Lama ogga sababta keentay xadhiga Suldaanka, balse  waxa laala xidhiidhinayaa inuu salka ku hayo abaabulka shirka Beesha Gobolka Saaxil dhowaan ku qabsanayso deegaanka Baxarasaafka oo xukumadu sas ka qaaday sidoo kale Berbera kawada dabar goynta iyo xidhxidhka cid kasta oo lagu arko Sawirada(Steakerada ah)ee uu ku xardhanyahay iclaamka shirkaasi, ilaa hadana ay Berbera ugu xidhan yihiin dad gaadhaya afartan ruux iyo gaadiidkii ay wateen

Suldaan Cali Saleebaan ayaa lagfa qabtay hutel kuyaala magaalada Hargeysa waxaana loo geystay oo ciidankii qabanaayay ugeysteen garaacis keentay dhaawacyo kaga yaala dhabarka iyo madaxa oo lagala dhacay qori dabadii kadib markii uu askarta loo soo diaray weydiiyay Waaran Maxkamadeed oo sharciya, dad hada ku booday Saldhiga dhexee Hargeysa oo uu kuxidhanyahay Suldaanku ayaa noo sheegay in dhiig karkii ku kacay Suldaanka oo had dhakhaatiir loogu geynayo Saldhiga uu ku xidhanyahay hadiiba ay ogolaadaan Ciidanka saldhigaas joogaa. sidoo kale waxa uu noo xaqiijiyay mid kamida dadka Suldaan Saldhiga Ku Booqday in Dhiig Badani Sanka ka socdo oo istaagi layahay iyada oo sababtu tahay qorigii dabadiisa lala dhacaayay oo Sanka waxyeelo ka gaadhsiiyay.

Source: Berbera Today

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here