Dad Magac Ku Leh Qaranka Somaliland Oo Shaaciyey Inay Isu Xilqaameen Dhex-Dhexaadinta Beellihii Ku Diriray Deegaannada Ceel-Afweyn
“Madaxwaynaha Waxaanu Leenahay Labadii Qoddob Ee Aanu Goob-Jooga Ka Ahayn Fuli, Cida Dambiga Lehna Horaa Loo Dayacay Ee Waa In Caqligu Shaqeeyo Oo Dambiga Lagu Qaadaa…. Shantii Nin Ee Fidmadu Ka Dhacdayna……”
Hargaysa(Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xaallada Coladeed ee ka taagan deegaanka Ceel-Afwayn Ay Qorsheyeen in Ay Galayaan Siyaasiyiin Uu Hogaaminayo Xasan Ciise Jaamac Iyo Masuuliyiin Kale Oo Qaranka Magac ku Leh. Faysal Cali waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaaalada Hargaysa shalay ayaa sheegay in mas’uuliyiintii hore u galay xaalad ceel-Afwayn ay ku fashilmeen isla markaasina hadda aanay haboonayn in ay markale ku noqdaan. “Arrinta Ceel-afwayn madaxwaynaha waanu kala hadalnay oo xalkeeda waxa galaya aniga [Feysal Cali Waraabe], Xasan Ciise Jaamac [Madaxweyne ku xigeenkii u horreeyey ee JSL], Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax [Madaxweyne ku xigeenkii 2aad ee JSL] iyo Cali Khaliif Galaydh {Hoggaamiyihii Khaatumo], laakiin cidii hore ugu fashilantay gali mayso oo dibada ayaanu dhigaynaa,waxaanan halkan uga mahadnaqaynaa cidii tagtay ee arrinka nagu sintay, waxaanan soo jeedinayaa markasta in xabad la joojiyo oo nabad la qaato si goobta ay xasilooni uga dhalato”. Sidaas ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe
Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata faysal cali waraabe.”waxaan halkan ka sheegayaa shantii nin ee dhintay fidmaduna ka dhacday waxaan leeyahay sooma noolaanayaane aynu u talino inta nool waa inuu caqligu shaqeeyaa, cida dambiga leh waa in bulshadda reer Somaliland dambiga ku qadaa horena waa loo dayacay, madaxwaynaha waxaanu leenahay labadii qodob ee odayaashu kuula yimaadeen ee aan anaguna goob jooga ka ahayn ee aad qaadatay fuli si ay u dhisanto kalsoonidii dawladnimadu. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal CALI Waraabe ayaa ka warramay qorshayaasha madaxwaynaha looga baahan yahay inuu ka qaato xaalada adag ee ka taagan iyo sidii uu waliba gurmad ugu fidin lahaa ayaa waxa uu yidhi.
“Waxaan leeyahay awdal haloo gurmado buluxaar haloo gurmado dhulka ay duufaantu ku dhufatay oo dhan haloo gurmado,Madaxwaynaha waxaan leeyahay baaq dawladeed sameeya,waxaana madaxwaynaha laga rabaaa inaad soo fadhiisto ood dadka la hadasho uuna tacsiyadayso dadka ay dadku ka dhinteen xoolahuna ka baxeen oo hadal fiican aad jeediso ayaanu ka codsanaynaa lakiin wareegto uun hasoo qorin.Sidaas ayaa uu yidhi guddoomiyaha ucid.